Fatahaado ay ku dhinteen in kabadan 100 qof oo ka dhacay Mozambique iyo Malawi.


Ugu Yaraan 115-ruux ayaa ku dhimatay Mozambique, Malawi iyo  Koonfur Afrika , markii Roobab xoogan oo dhaliyay fatahaado ay saameeyeen 843,000 Dad ah oo ku nool Koofur Bari ee Qaaradda Afrika.

Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay dhibaatooyinka ay sababeen fatahaadahaasi, waxayna ku baaqeen in lagu dhaqaaqo gurmad Bini’aadanimo oo lagu badbaadiyo Dadkaasi.

Ugu yaraan 66 Qof ayaa ku dhimatay Mozambique, 45-kalana waxa ay ku geeriyoodeen Malawi, halka 4-kalena ay ku dhimatay K/Afrika, markii Rooobab mahiigaan ah ay ku dhufteen Dalalkaasi.

Dalaka Malaawi iyo Mozambique ayaa wado dedaallo lagu gargaarayo Dadkii ku barakacay fatahaadahaasi, waxaana saadaalinayaa in ay sii socon doonaan Maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

Advertisement

Ku Xayeysiiso