Daawo: Nuxurka Kulan dhex maray Wasaaradda Waxbarashada iyo Maayarka Hargeysa

Hargeysa, Maarj 12, 2019 (Togaherer) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Cismaan Jaamac Aadan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Md. Axmed Abokor Maxamed ayaa maanta kulan la yeeshay Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka Dawladda hoose ee Hargeysa.

Kulankan oo ku qabsoomay xafiiska Wasiirka WW&S ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii anbaqaadi lahaa hawlaha mashruuca maamul-daadejinta ee JPLG, kaas oo ay Wasaaradda Waxbarashada iyo qaar ka mid ah Dawladaha hoose ee dalku ka wada shaqeeyaan.

Kulankan ayaa waxa lagu lafaguray sidii Dawladda hoose ugala shaqayn lahayd Wasaaradda Waxbarashada bannaynta goobaha Waxbarashada ee ay dhex deggan yihiin qoysasku iyo dhismayaasha ganacsi ee ku wareegsan dugsiyada waxbarashada qaarkood.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku hawlanayd kor-uqaadista tayada iyo bilicda goobaha waxbarashada dugsiyada dalka, iyaga oo arrintaas kala shaqaynaya dawladaha hoose ee dalka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso