Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Jaranjarooyinka Guulwadaynta (Qaybtii 63aad) Qore : Maxamed Xoosh

 

Sheekadan waxay ka waramaysaa noocyada kala duwan ee guulwadaytu ay leedahay goorwalba taagan iyo dalalka dunida sadexaad oo ay ku badan tahay iyo sida loo kala soo dhawaysto

 

Berri ayuu Madaxweyne weydiiyay sadex Wasiiradiisa ka mid ah

Madaxweynihii (2+2=5) laba laba loo geeyay ma shanbaa ?

Wasiirkii kowaad wuxuu ku jawaab celiyay haa waa = 5

Wasiirkii labaad haa waa = 5 hadii HAL lagu daro

Wasiirkii sadexaad wuxuu yidhi madaxweyne maaha,e waa = 4

Aroortii labaad waxay Shirkii ka waayeen Wasiirkii sadexaad , waxaana loo sheegay in laga maarmay oo la eryay!!!

Raiisal wasaarihii ayaa yaabay ka dib waxa Madaxweynihii weydiiyay maxaa loo eryay WASIIRKII SADEXAAD?

 

Madaxweynihii ayaa ugu jawaabay

Wasiirka koowaad : waa beenaale isaguna wuu is ogyahay inuu beenaale yahay (Noocan waa loo baahan yahay)

Wasiirka labaad waa nin maskax badan waanu is ogyahay inuu maskaxbadan yahay WUU KA AAMUSAA WAX BADAN (Noocan oo kalena waa loo baahan yahay)

Ninka sadexaad waa nin runta sheega waanu ogyahay inuu DAACAD  yahay  WAXBA MA QARIYO (Waa nooc dhib badan la-lama dhaqmi karo )

Madaxweynihii ayaa dib u weydiiyay RAIISAL WASAARIHII (2+2=5) laba laba loo geeyay ma shanbaa ?

Raiisal wasaarihii wuxu ku jawaabay : hadalkaaga waan fahmi kari waayay Madaxweyne , waayo anigoo kale maba garan karo HADALKAAGA AQOONTA  IYO INDHEERGARADNIMADU KA MUUQATO

 

Madaxweynihii intuu aad u qoslay ayuu yidhi adigoo kalena Waa MUNAAFIQ (NOOCAAGA OO KALENA AAD AYAA LOO JECEL YAHAY)

Waa darajooyinka kala duwan ee munaaqnimada iyo guulwadayta ka jirta dhulka Soomaalida oo dhan waxaa keena dadka oo AQOONTA IYO KALSOONIDU ku yartahay loo tartamaayo sidii looga agdhawaan lahaa keliya kursiga u sareeya , weynu u guuri doonaa XAL MAAHEE WAA XUL

 

Waxaan qirayaa in ay aad u yartahay mudo xileedkii madaxweyne muuse biixi kursiga Waa aragtidayda saxna wey noqon kartaa mid khaldan wey noqon kartaa .

 

Allaa Weyn Oo Awood leh

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso