MUSUQMAASUQU MA DHAQANKEENI AYUU KA MID NOQDAY ?

MUSUQMAASUQU MA DHAQANKEENII AYUU KA MID NOQDAY ?

Ururka la gaalanka musuqmaasuqa aduunka ayaa soo saaray warbixin tiisii sanadkii ina soo dhaafey 2012 kii , waxa kaalinta koobaad qaatey dalka SOMALIyADA koonfureed oo noqday dalka aduunka ugu musuqmaasuqa badan , 193 dawladood oo UN ku jira ayuu number wanka qaatay . Kaalinta labaad waxa galey dalka RUSSIA oo noqday dalka ugu laaluushka badan .

Dalalka ugu musuqmaasuqa yarna , waxaa ka mid ahaa SHIINAHA , S.KOREA iyo dalalka finaland- sweden -norway .

Dalka SOMALILAND waa ka waayay liiska , oo waxan u malaynayaa inay laaluusheen ururkii qoraalkan soo saaray oo ay ku yidhaahdeen anagu ICTIRAAF dawliya ma haysannee ha nagu darin .

Waxa cad in dalalka aanu musuqmaasuqu iyo laaluushku ay ku yar yihiin   dalalka horumarka dhaqaale ka jiro . halka ku laaluushku iyo musuqmaasuqu ku badan yahay uu horumarku iyo dhaqaale xumadu ay ku habsatay .

Hadaba musuqmaasuqu iyo laaluushku ma iyagaa dibudhaca iyo faqriga keena ? mise dibudhaca iyo fakhrigaa musuqmaasuqa keena ?

Jawaabtu way noo wada caddahay : oo haddaynu dib u jaleecno somaliyada koonfureed , waxa ka jiray weligeedba musuqmaasuq – laaluush – akhlaaq xumo fara badan oo ay weliba ku soo barbaareen ,oo gumaystihii talyaaniga ay ka dhaxleen .

Sidaa awgeed musuqmaasuqu – laaluushku- dhacu – boobku iyo tuugadu ba , waxay u noqotay dhaqan , waanay sharciyaysteen .

Waxaanay noqdeen dhaqan lawada ogol yahay , oo raalli laga wada yahay , sida baayac mushtariga  oo kale – ganacsiga – beeraha .

Bal waxaad iswaydiisaa imisaa qof mas uul ah oo aad garanayso lagu helay denbi uu galay , (musuqmaasuq ama tuugo hanti qaran ama laaluush lagu qabtay ) oo shaqadiisii lagaga eryay , oo weliba la xukumay , kabacdina laxidhay , Halkii ay ahayd in lagooyo oo lakarantiimeeyo ayaa waxa dhici jirtay , in la arki jiray dad badan oo u xaglinaaya in lasoo daayo , oo weliba meeshii uu denbiga ka galay lagu celiyo amaba la dalacsiiyoba .

Imisaynu aragnay arimahaas oo kale oo dhacay , bulsho badanina arintaa ceeb ba umay arki jirin , la manay yaabi jirin 

IMINKANA ARIMAHAAS IYO QAAR KALE OO KA DARAN AYAA SOMALILAND KA DHACA . DHAQAN XUMADAAS OO AYNU SOO XANBAARANAY .

Waxaad arkaysaa wiil gabadh soo doonay oo la odhanaayo mushahaaradiisu waa 200 oo dollar , laakiin waxa soo gala 2000 oo dollar , oo waa wiil xariifa .

Waxaynu si toos ah u qiranaynaa oo u aqbalnay oo u sharciyaysanay ,in uu  musuqmaasuqu iyo laaluushku  dhaqankeena ka mid noqday .

Waxaynu iminka caadaysanay oo aan lala yaabin qofka ku kaca musuqmaasuqa iyo laaluushka , waana arin nasiib darro ah inaynu xaaraantii xalaalay sano .

Waa ayaan darro , ee aynu dib isu xisaabinno intaan layna xisaabin , oo aynu xaaraanta layaabno iyo ciddii ku kacdaba oo aynu karantiimayno ciddii lagu helo ama lagu maqloba akhlaad xumadaa , oo aynu iska dhexsaarno ciddii dhaqankaa lagu arko ama lagu qabto .

Oo aynu meel uga soo wada jeesanno ciddii dhan xumadaa la timaada .

CALI MAXAMED BIIXI    caliwwelli@hotmail.co.uk  

      

Advertisement

Ku Xayeysiiso