BEENI RAAD MA LEH

BEENI RAAD MA LEH…..
Bismillaah…..marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan akhristayaasha, ASCW, salaan ka dib waxaan manta halkan ka tilmaamayaa arrin wax badan laga hadlay oo ku saabsan maalgelinta Imaaraatka ee Somaliland, wax badan baa hore loo sheegay aniga laftaydu ka hadlay haddaan tusaale u soo qaadano waxa warka u danbeeyay ahaa in SALDHIGA la siiyay Imaaraadka la dhaafsaday jidka isku xidhaya BERBERA iyo WAJAALE iminkana waxaan maqalay dhagaxdhigii,28 feb, in maalgelinta Imaaraatka ay noqonayso 90 milyan oo dollar inta hadhay ee ah 21 milyana ay bixinayso Ingiriisku. Waxaan kaloo rabaa inaan u iftiimiyo akhristayaasha aniga iyo dadka ila midka ahi kama soo horjeedno in Somaliland horumar u soo kordho waxaanse rabnaa laba arrimood inay cadaadaan.
1- In heshiisyada xukuumaduhu gelayaan ay noqdaan kuwo u cuntama ama u dhigma waxaynu is dhaafsanayno cidda aan heshiiska la gelayno sida Imaaraatka.
2- In wixii dadka loo sheegay ee la yidhi waanu saxeexnay aan la bedbedelin sidii gabaygii gole ka fuulka ahaa oo maalinba wax cusub lala iman sida hadda dhacday oo kale, markaa marka dadku waxaa arkaan waxay is waydiinayaan horta maxaa la saxeexay?, waana ta dadku ku wareeray ee khalkhalka ah.
Maxaa hadda soo cusboonaaday waa in jidkii waxbadan aan maqlaynay wajaale berbera uu ku soo ururay in kii hore ee tuulooyinka iyo magaalooyinka badan sii dhexmarayay la balaadhinayo, halka dadku filayay in jidkani uu noqondoono mid berbera ilaa wajaale oo toos ah. Waxaan moodayay inuu noqondoono mid toos ah waxaana filayaa in dad badanina sidaa moodayeen. Hadaba anoo daba socda maxaa SALDHIGII BERBERA la dhaafsaday waxay sheekadii kusoo ururtay 90 milyan oo doolar, markaa SALDHIGII inoo goyn lahaa kiro ilaa 100 milyan ah sanadkii waxaynu dhaafsanay 90 milyan, hadaynu 90 kaa u qaybino 25 sano waxaa aynu dhaafsanay 3 milyan iyo 600 oo kun sanadkii. waxaan hore uga hadlay bishii hore maqaal aan uga dhigay cinwaan UMMAD DHACAN fadlan halkan ka akhriso.

Ummad Dhacan C/razaaq Xiis


Nasiib darrada kale ee jirtaa waxa weeye ragii siyaasiinta ahaa ee hantidaa qiimaha leh bilaashka ku bixiyay inay iska dhigayaan GEESIYAAL horumar keenay waxaanse leeyahay waxaa iman doonta Illaahay idankii maalin la idanla xisaabtami doono idinka iyo Imaaraatkaba. Waxa jiri jiray barnaamij ka bixi jiray RAADIYAHA beri horeo oo la odhan jiray MAAWEELADA MAAWEELADA CARUURTA…..AHA..UHU…AHA……markaa waxyaabahan dadka loo sheegayaa waa taasoo kale, waxaa ka sii daran markii dadka la khawaysiinayay ee SALDHIGA la bixinayay waxaan xusuusta waxyaabaha ay qoladaa metelaysay BARNAAMIJKA MAAWEELADA sheegeen in BERBERA CORRIDOR ay ku bixi doonto lacag dhan 250 milyan Imaaraatkuna bixin doonaan oo mashruucana uu ka mid noqon doono mashaariicda aan dhaafsanay SALDHIGA. Ereygan ingiriisida ah ee aad loo isticmaalay, CORRIDOR, macnayaasha uu leeyahay waxa ka mida MARIN isku xidhaya laba dhisme ama laba dal, markaa fahankii ahaa in dariiqani noqon doono mid BERBERA toos ugu xidhaya ETHIOPIA saxbuu ahaa, waana sida fiican in gawaadhidaa waaweyn ee konteenarada siddaa toos u gudbaan.
Waxaan halkan ka hanbalyaynayaa dadka arrimahan ka hadla ee ku daba jira waxana leeyahay ha daalina halkaana ka sii wada, halkan ka daawo C/kariin A Mooge oo ka hadlaya arrimahan….

Siyaasi sida fiinta uga qayliyay madmadow ku Jira wadadii shalay la dhagax dhigay


Waxa iminkana ku soo biiray barnaamijkii MAAWEELADA CARUURTA wakiilka cusub ee Somaliland u jooga Imaaraatka oo isna hadda sheegay in “ marka la arko koboca dhaqaalaha iyo isu socodka labada waddan ee dhinaca ganacsiga marka la arko waxay imaaraatka iyo somaliland balan ku galeen in HIGHWAY laga dhigi doono oo la balaadhin doono’’. Halkan ka daawo…..
https://burcoonline.com/articles/82992/Halkan-ka-DaawoJidka-aynu-Maanta-Haysano-ayuunba-La-Balaadhinayaa-Amb-Xasan-Yasiin-Oo-ka-Waramay-Dhismaha-Waddada-Isku-Xidhi-Doonta-BerBera-Iyo-Wajaale
Waxa halkan aadka fahmaysaa in xataa mustaqbalka aanu jiri doonin dariiq toos ah oo BERBERA WAJAALE waayo waxaa hadalkiisa laga fahmayaa in kan la balaadhin doono tuulooyinka iyo magaalooyinka sii dhexmaraya. Hadaba waxaan u sheegayaa wakiilkan in uu iskaga soo biiro JILAYAASHII BARNAAMIJKA MAAWEELADA CARUURTA ee faraha badnaa ee hore u jiray.
Jilayaasha barnaamijka MAAWEELADU mayara halkan hoose ka daawo wakiilka Somaliland u fadhiya Ethiopia oo laga soo xigtay waraysi uu siiyay warbaahinta ETHIOPIA dariiqa BERBERA CORRIDOR waxaa ku lamaan dhabbo TAREEN cajiib, waxaynu ognahay iska daa waddo TAREEN eh in ay xaaladdii ku soo ururtay keenii horaynu xaadhxaadhanaynaa. Berigii xukuumaddii SIYAAD BARRE waatay mabda’a HANTIWADAAGA CILMIGA KU DHISAN qaateen dabadeed wadamada carabta baa wafti loo diray ka soo dhaadhiciya arrintan sidaan ka dhegaystay taariikh BBCdu ururisay dabadeed madaxday la kulmeen waxa ka mid ahaa XAAFID AL ASAD OO waftigii SOOMAALIDA ku yidhi WAXAANU KHAATI KA JOOGNAY HANTIWADAAG idina waxaad ku sii darteen CILMIGA ku dhisan.
Iminka waxa ina dawakhiyay sanado badan wax la yidhaahdo jid gaadhi oo loo bixiyay
BERBERA CORRIDOR wakiilkana wuxuu ku sii kordhiyay dhabbo TAREEN, waar ileen annagaa yaab aragnay, ninbaa laga sheegay ma annagaa waalan mise CADAN baa laga heesayaa.

Waxaan kaloo idiin raadiyay meeshay kasoo turjumeen waana tan:-

Somaliland to launch Berbera Project eyeing Ethiopia’s market


Waxaad kaloo halkan ka daawan kartaa hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee waddani Xirsi Cali X. xasan oo isna arrintan ka hadlaya…………..
http://www.boramanews.com/somali-news/item/25112-daawo-hogaamiyaha-xisbiga-wadani-xirsi-xaaji-oo-si-adag-u-dhaliilay-mashruuca-barbara-corridor-ee-dhawaan-ay-xukuumada-muuse-biixi-dhagax-dhigtay
Hore waxaan uga hadlay markii saldhigan la bixinayay fadlan halkan hoose ka akhriso……..
http://wp.hadhwanaagnews.ca/saldhiga-berbera-maya/
Maqaalkaa waxaan kusoo gebagebeeyay maansadii HADRAAWI tiriyay ee INDHO BADAN oo ka hadlaysa gabadhyar oo agoon ahayd oo markii ay yarayd ee agoonta ahayd aan cidina dan ka lahayn markay weynaatayna nin waliba soo eegay, waxaa inantaa ka dhigan SOMALILAND oo baahi u qabta dhaqaale meelihii ay hanti fiican ka heli lahaydna bilaash baa lagu bixiyay iyo faro guudkood. Somaliland sanadba sanadkii ka horeeyay way ka baahi badnayd qolyahan carabta ee bilaashka loo siiyay hantidii umaddana waxay ahayd inay hore wax u gashadaan umadda……
Ubaxeey ubaxeey
Indho yaab badanaa
Kugu eegma batee
Maxay soo uruyeen
May ayaamaha qaar
Kugu soo ururaan
Immisaa jiray waa
Oontu kuu tirsanayd
Immisaa jiray waa
Arradkaagu sinnaa
Immisaa jiray waa
Noloshaadu adkayd
Immisaa jiraa waa
Abaalkaagu sugnaa
Immisaa jiray waa
Ayaankaagu dednaa
Immisaa jiray waa
Adduunkaagu madhnaa
Immisaa jiray waa
Ishu kaa han-fogayd
Wax aqoolka haddeer
Uskag baa ku jiree
May ayaamaha qaar
Korka kaa asturaan
May ayaamaha qaar
Wuxuun kuu illiyaan
Uurku wuu ku madhnaa
May waxuun ubaxeey
Afka kuugu ridaan
Adoogaa dabadii
May agoonimadii
Aabe kaaga noqdaan
May Illaahay hortii
Irbad kuugu huraan
Alif waa derejee
Aqoon may ku geshaan
Erey may ku faraan
Loo adeegsado meel
Aayahaaga hor yiil
May ammaan ka dhigaan…………….
Intaas baynu ku soo koobayna waad mahadsantihiin.

Hadaba u jeedadada aan ka leeyahay qoraaladan oo aan daba socdaa waxa weeye MAXAYNU DHAAFSANAY SALDHIGA BERBERA? Waxaan jeclaan lahaa inay dhalinyaradu intay QABYAALADDA ISKA DAYSO is waydiiso suaashan waayo waa mustaqbalkoodii. Fadlan la soco QORAALO kale aad baadna u mahadsantihiin.

Wabillaahi tawfiiq

C/razaaq Xiis
abdurazaqhiis@gmail.com 1 Mar 19

Advertisement

Ku Xayeysiiso