Tacsi/Taariikh nololeed: Dhamaan Maamulka Iyo Wariyayaasha Warbaahinta Togaherer Waxaanu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Dhamaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ee uu Ka Geeriyooday Alleh ha u naxariistee Muj. Abwaan Bashiir Ismaaciil Mire ( Bashiir Gabyaaye) Oo ku geeriyooday Hargaysa

Dhamaan Maamulka Iyo Wariyayaasha Warbaahinta Togaherer Waxaanu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Dhamaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ee uu Ka Geeriyooday Alleh ha u naxariistee Muj. Abwaan Bashiir Ismaaciil Mire  Oo goor dhawayd ku geeriyooday Hargaysa

Dhamaan Waxaanu ka tacsiyeynayaa Eheladiisii, Aqaariibtii Iyo Caruurtuu ka tagay iyo Dhamaan Bahda Abwaanada oo ii ka mid ahaa  Geerida ku timid AHB Marxuum Mujaahid Abwaan Bashiir Ismaaciil Mire . Waxaan si gaara uga tacsiyadaynayaa Xaaskiisii Caruurtiisa iyo Dhamaan Ismaaciil Mire Asxaabtii Ehelkii iyo Qaranka Somaliland. Waxaanu leenyahay Samir iyo Iimaan Alleh ha idinaga Wada Siiyo Marxuumka Sidoo kale Waxaan Allaheena wayn Uga Baryeynaa in uu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo Marxuunka Dambigisana alleh uu dhaafo.

Taariikhdiisa Oo Kooba hoos ka akhriso.

Abwaan Bashiir Ismaaciil Mire wuxuu ku dhashay ….Karooska Halka imika loo yaqaan Soomaaligalbeed… waxaanu ku barbaaray Hargaisa ka dibna wuxuu u cilmi u doontay Galbeedka oo ku wanaagsanaa xiligaa Quraanka iyo carabiga
ka dib Bashiir hiyi Dhoof ayaa galay halkaas oo Galbeedkii uu kaga yimid walaalkii Ow Cumar oo in badan imaam ka ahaa Kuwayat
Bashiir soo noqdkiisii danbe wuxuu bilaabay Allifaada heesaha iyo Gabayada wuxuuna Gabayo badan ka tariyay Geela iyo Waaqic nololeedka Xiligaa oo ku beegnayad Xorriyadii laga qaatay Ingriiska Ilaa Xilligii Mallatarigii oo aad u suluugay oo uu gabayo badan ka mariyay
Waxa kale oo Bashiir lagu Xasuustaa Guubaabadii Snmta iyo gabayadii Halganka SNM

Bashiir wuxuu u Tacabiray Dalka Kuwayt 1970 halkaas oo Ganacsde Caana uu ka noqday oo yeeshay Baabuurta waa wayan ee u kala gooshta Kuwayat iyo Ciraaq ka Dibna uu isla Buubuurta u soo xawilay Soomaaliland dib
Bashiir wuxuu ka tagay ubad  17 Caruur ah waxaanay sii dhaleen 23 caruura
Ilaahay ha u naxariisto Jannana ha ka waraabiyo Aamiin


ALLAH JANADII HA KA WARAABIYO ADEERO BASHIIR ISMAACIIL MIRE OO MAANTA XAAQII UGU YIMID HARGEISA

Gabaygan hoos oonan arag gabay ka dheer waxaa tiriyey Bashiir ismaaciil mire oo ah raga aad iyo aad ugu dhuun daloola suugaanta ahna raga taariikhda reer soomaaliland iyo soomaalida kaleba aqoonta u leh,haddii ay noqoto qabiil ahaan iyo haddii ay noqoto dhul ahaanba gaar ahaan reerka la yidhaa ogaadeenka oo uu u tiriyey gabayo aad u tiro badan.

bashiir ismaaciil mire Wuxuu gabaygan tiriyey 21/2/92 wakhtigaa oo bashiir ku sugnaa carriga ingiriiska magaalada London gaar ahaan galbeedka London.
Bashiir ismaaciil mire gabaygan isagu magac umuu bixin sida uu sheegay markii uu gabayga samaynayay oo Wuxuu yidhi idinku hadaa dad weynaha tihiin magacaa doontaan ugu yeedha.

Bal hadaba bashiir ismaaciil mire isaga oo aan aad ugu faraxsanayn amaba aynu odhan karno aad iyo aad uga xun warka uu maqlay ee ahaa in colaad sokeeye ka soo cusboonadeen wadankiisii hooyo ee uu u hanka weynaa, ee mudada dheer loo soo halgamayay ee ay dadka aadka u tirada badani naftooda u soo hureen ayuu gabaygan tiriyey waxaanu yidhi gabayaagu.

…………,,,

* Hadduu gabay hidiyo dhaxal galiyo, dooda lagu dhaato
* Tilmaantiisiisa dheer waanigii, dhaabbi jiray waaye
* Dhamaanna maayo wiil naga dhashoo, goolka dhaliyaaye
* Dhawaaqqii Gahayr iyo Salaan, culimadii dhaartay
* Halkay odayadii hore dhigeen, dhaqanka duugiisa
* Ana dhaafin maayee balaan, sii dhex galo weedha,
*
* Abaar dhaharatiyo milicda iyo, dhamacda jiilaalka
* Diraac dhabana haysiyo kaliil, oon la dhegga beelay
* Dhugayada haraadkiyo markay, dhacartu weehawdo
* Dhunquluulka liitiyo marbaad, dhuunyataa moqore
* Marbaad dharrabka moodaa biyiyo, rays dhowaan da’aye
* Dheddedda iyo ceeryamadda iyo, foore dhaxameedka
* Dhalanteedka kuu baxa marbaad, doog ku dhabataaye
* Galsho dhuraya joogtiyo markay, haradu dhooqoowdo
* Daba goosi dheer maalintaa, dhaanka loo qabaye,

* Rati toban gu’ iyo dhawr jir iyo, baarqabkii dhaartay
* Dhuumaha la saar haamihii, dhumucda weynaaye
* Dumarna kala dhaqaaqyoo markaa, qaarba dhinac raacye
* Dhal magaalo kuma beegsatiyo, tii dhalaan jaqaye
* Dharaar qudha haday guri lahayd, kuma dhowaadaane
* Dhigta iyo habluhu udubka iyo, kebeda dhawr jaada
* Tobaale dhibicaaysanoo, shaalka lagu dheehay
* Isku joog dhalaaliyo hablii, dhigayay googooska
* Dhirtana diiri jirayee yiqiin, dhaqanka weeyaanee
* Dharaartaa gashaantida dhabta ah, xadhiga loo dhiibye,

* Mar haday hogaanka u dhuftaan, dhaanto lagu qaadaye
* Dheemaalka guuraa iyagoo, sii dhanbalay meel fog
* Dhinac tu’iye ceelkii iyagoon, welli dhibaatoone
* Dhakhsona waxay u buuxshaan wixii, weel la soo dhigo’e
* Hilayga iyo ma dhaafaan furkee, dhaadimaa xidhaye
* Markay awrtu dheregtee, rakaad cilso dhawr jeerna
* Mar labaad ku dhacadiidiyoo, dhoocilkii raraye
* Dhabbaday yaqaaniin waddada, toobiyaha dhoowe
* Dhinacna kama maraan raadka hore, waa u dhiganyaye
* Geeraarka dheer bay tirshaan, dhool maxay tidhiye
* Dhawaaqoodu waa hees kalgacal, lagu dhegeystaaye
* Iyagoo dharaar iyo la sugay, maalmo dhalandhoola
* Dhanka laga filaayaa tilmaan, dheer la sahanshaaye
* Markay soo dhowaadaan meshxerrada, looga dhagac siiye
* Dhallaankii duleedada tubnaa, farxad la dheeldheelye
* Rarkana laga dhig inna toosankii, hawsha dheer galaye,

* Dhibtase laguma waaree cirkoo, dhaysta midabeeyey
* Gu’ dhabriile iyo baa ku xiga, dhoobbo iyo dooge
* Mahiigaan dhurmaayiyo raxmaad, dhinacyada u hooray
* Onkod laba dhacaayiyo kolkuu, reenka dhimi waayo
* Uu taaha dhoowr jeer lalabbo, guuxa laga dhuunto
* Eey fiintu wada dhawrsatee, baqaa wada dhawaaqaysoo
* Sida aar dharaar qaday markuu, dhuunta ka higoodo
* Mawjadaha dhaadheer hillaac, kala dhex qaadaaya
* Dhulkana wada iftiinshaa jiruu, mawluhu u dhigaye
* Duufaanka dhiirani kolkuu, dhirraha laynaayo
* Gantaalaha is dhaafiyo marbuu, danabka dhiibaaye
* Dharaartaa haweenkii miyigu, dhababe mooskiiye
* Dhibna kuma lahoo taana, way dhalan yaqaaniine,

* Qaxootigase dhowaan yimi intuu, waab dhabdhabay oodda
* Taanbuug dhanbuuqa leh kuway, danni dhigtee joogay
* Ma dhidbana dhulkana looma qodin, dhaxanna waa tiiye
* Dhudhumo uu ku joogsado maliyo, tiira dhumuc weyne
* Gidaar lagu dhaweeyaa ma jiro, waa ban dhaygagahe
* Surrad loo dhigiyo saamihii, wadda dhalaalaayey
* Xakab laga dhex tuuriyo ma laha, dhig iyo foodsaare,

* Durba dhinac banaanaa intuu, sii dhanbuuqsadaye
* Kana dhex qaaday laydhii dadkii, mooday hoy dhabahe
* Dhufatayoo dabayshii ridoo, goor horuu dhacaye
* Kuwa dhagaxanyaalihii ka helay, gegga banaana dheera
* Eey gaydhu dhabanaanisiyo, dhibicdii soo hoortay
* Ummushii dhashiyo kay dhashee, dhuunta gelinaysay
* Ee naaska dhuunyanayayeen, dunnibba dhaadaynin
* Waxba uma dhexeeyaan daadkiyo,

Waa qayb ka mid ah gabayadiisii

 

Ilaahay waxaan uga baryeynaa in uu janadii fardawsa ka waraabiyo Dambigiisana Alleh uu dhaafo, qabrigana alleh uu u waasiciyo. Sido kale waxaa eheladii, Qaraabadii , Somaliland iyo Somali oo dhan aan Ilaahay uga baryeynaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo. Qoyskii uu ka geeriyoodayna cawil Khayr Qaba alleh ugu badalo.

 

Amiin Amiin Amiin Amiin
“INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN”

“KULLU NAFSUL DAAIQATUL MAWT

Warqabadka Togaherer

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso