Siyaasadda Aljeria oo cakiran iyo madaxweynaha buka oo digniin soo saaray

Dalka Aljeria ayaa waxaa weli ka taagan xiisado siyaasadeed ee ku aadan ka qeybgalka doorashada dalkaasi ee madaxweynaah xanuunsanaya,taasi oo dhalisay cadho ay muujiyeen dadweynaha dalkaasi kunool qaarkood oo ka soo horjeeda qorshahaasi.

Cabdulcasiis Butefliqa oo ah Madaxweynaha xanuunsanaya ee iminka talada Aljeria haya ayaa doonaya in markii 5-aad uu qabto xilka madaxtinimo,wuxuuna ka digay in qalalaaso siyaasadeed uu ka dhacdo dalkaasi,si looga bad baado khatar ka dhalankarta arrintaasi.

Wakaaladda wararka dlkaasi APS qoraal lagu daabacay ayaa lagu sheegay in madaxweyne Cabdulcasiis Butefliqa oo 82 jir ah kuna xanuunsayaya dalja Switzerland gaar ahan magaalada Geneva  uu ku amaanay dadka sameynaya banaanbaxyada sida nabadda ah oo ay dareenkoodi u muujinayaan,wuxuuna ka digay in ay jiraan dad uu sheegay in laga soo diray dibadda sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha haatan talada haya ee Aljeria Cabdulcasiis Butefliqa  ayaa xisbigiisa wuxuu dalka ka talinayay ilaa xoriyadda 1962,balse isaga 20sano ayuu maamulayay,wuxuuna xanuunsaday 2003 xiligaasi wixii ka dambeyeyna hadalkiisa waa la wayaay,kadib markii uu ku dhacay xanuunka maskaxda dhiiga ku fura ee loo yaqaano faaluga ama Stroke,dhawaan ayuuna shaaciyay in markii 5-aad uu xilka u taagan yahay,taasi oo cadho xoogan dhalisay.

Telefeshin laga leeyahay dalka Farnsiiska ayaa shaaciyay in madaxweyne Cabdulcasiis Butefliqa uu jiiso weli isbitaal,waxaana arintaasi ay si kordhisay xaaladda iyo walwalkii jiray,inkastoo taageerayaashiisu ee ololaha u wada ay sheegayaan in uu wanaagsan yahay.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso