Madaxwayne Biixi ma leeyahay karti uu ku qabto doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka 2019?

Waxaan jecelahay in aan maqaalkan ku iftiimiyo kagana jawaabo su’aalsha kor ku xusan ee aan u doortay inaan ku cabiro miisaanna ku saaro bal inuu Madaxwayne Biixi leeyahay karti iyo ragganimo uu si hufan ugu qaban doono Doorashooyinka is-barkan ee Wakiiladda iyo Deegaanka.
Waxay mar kale ka baaqdeen xiligoodii labadan doorasho taasi oo ku beegnayd bishan March. Sidii caadada iska ahayd marka uu madaxwayne gudan kari wayo xilkiidsa qaran ayuu Muuse na maciin ka reaadiyay Golaha Guurtida oo iyaguba dhaxal iyo wax la mida ku fadhiya aqalka Guurtida. Goorma ayaa inoogu danbaysay guurti xula? Maye ragii magaca la baxay ee Sh.Ibraahim hormoodka ka haa Cabdillahi Sh. Cali Jawhar ka daba gee waxaan la hilmaami karin Sh.Axmed Furre iyo Goodaad iyo intii la midka ahayd intooda dhimatay naxariis ayaanu eebbe ugu baryayaa intooda noolna cisso iyo sharaf inay ku noolaadaan iyadoo aanan iloobi karin inay iyagu bud dhig u ahaayeen nabadda aynu ku naaloonayno maanta oo ah ta kaliya ee la inagu majeerto. taasi oo aan wax badan aanay ku darin kuwa inoo sheegta Siyaasiyiintu marka laga reebo Madaxwayne Cigaal oo isna bud dhig u ahaa Astaamaha Qaran ee ay manta sarsariigayaan kuwii ka danbeeyay sida Madaxwane Siilaanyo oo ku kashifmay inuu qabto u qabto Doorashooyinkii Dawladaha Hoose si hufan oo dhiig ku daatay.
Hadaba madaxweynaha maanta ee Biixi waxa uu ku guuldaraystay inuu ku qabto doorashooyinka Wakiiladda iyo Dawladaha hoose ee u qoondaysnaa march sanadkan ka dibna u qaylo dhaan u dirsaday Golaha Guurtida oo aan kor ku soo xusay kuwa ay yihiin, waxa kaliya ee ay ka adagyihiin waa kordhin, iska fadhi iyo magacii iyo haybaddii uu golahaasi lahaa oo ay meesha ka saareen kalsoonida Shacabku ku qabaana ay aad u yartahay.

Aan soo ururiyo hadalka ee Madaxwayne Biixi oo aad moodo inuu wakhtigii kaga lumay xidhida dad wax tiriyay sida Ina Abees iyo Wargays loo laabo albaabada sida Foore oo aan ku raacsanahay ra`yigoodii ahaa inaan loo baahnayn Maanta Madaxtooyo cusub ee haddii uu karti iyo dadaal isku hubo Madaxwayne Biixi in looga baahan yahay wax qabad ka balaadhan Guri Madaxtooyo oo laga yagleelo albeedka Hargaysa sida: shaqo abuur taasi oo ay 75% dhalinyarada Somaaliland aanay wax camala haysan, caafimaadka oo la kobciyo, biyo nadiifa oo dalka loo soo saaro iyo dabcan aqoonsi buuxa oo ay Somaliland hanato..

Haddaba waxaan is waydiinayaa Madaxwayne Biixi oo ku guuldaraystay inuu ku qabto Doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka muddo dhan 15 bilood laga soo bilaabo bishii December ee 2017 oo uu Kursiga halabsady ilaa March 2018 oo isku gayn noqonaysa 15 Bilood. Mudo intaa ka yar oo ku siman ilaa 10 Bilood ma ku suurto galinkaraa arinkan.
Waxa kaliya ee ilaa hadda la maqlay waa inay isku soo dhamaadeen Guddidii Komishinka oo qaar ka midi ahi kaga maqnaayeen dalka dibaddiisa iyadoo uu jid dheeri sugayo.

Aan ku soo noqdo inaan ka jawaabo Su’aasha udub dhexaadka u ahayd Maqaal oo ahayd madaxwayne Biixi ma leeyahay karti uu ku qabto Doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka 2019? taasinoo jawaabtaydu tahay maya, sababaha aan kor ku xusay ayaana keenaya. Haddaba iswaydiinta xiisaha lihi waxay tahay dalku xaalad caynkee ah ayuu gali haddii ay noqoto in ay markale baaqdaan doorashooyinku, Ma Golaha Dhaxaltooyadda waa Guurtida e` ayaa sidoodii ugu dhufan doona Shaanbadda Caagga ah ee Kordhinta mise si kale ayaa loo maarayn.
Allow si kastoo ay noqotaba waxaan kaa baryayaa inaanad nagu ciqaabin oo aanay dalkayaga Somaliland ka soo gaadhin waxyeelo ay sababeen siyaasiyiin ku sheeg Xilkooddii gudan waayay, ha noqdeen kuwa Kuraasta ku fadhiya ee ah Dawlad ama mid muraacid ah oo aan wax talo ah ku dhaamin oo ay kaga dhagtay uun waa in doorashadda xilligeeddii la qabtaa taasi oo uu u arko inay tahay halka kaliya ee uu ka halabsan karo fuulitaanksa Kuraasta.

Qore:Cabdi Muhumed
Cabdimuhumed60@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso