Wasaaradda Diinta oo Shaacisay Xilliga ay Gobollada ka bilaabayso Diiwaangelinta Maddarasadaha, Hargeysa oo Dhammaad ku dhaw iyo Baaqa Cusub

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Digniin u Diray Dadka raba inay furtaan Maddarasado Cusub

Hargeysa(THN):- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay 20-ka bishan maarso 2019-ka gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabayso diiwaangelinta Maddarasadaha Diiniga ah, ka dib marka la soo gebo-gabeeyo wejiga koowaad ee diiwaangelintaas oo tan iyo 27-ka bishii koowaad ee sannadkan ka socotay Hargeysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo Awqaafta Somaliland Aadan Cabdillaahi Cabdalle oo uu weheliyo Agaasimaha waaxda masaajidda iyo Maddaariska Sheekh ee Wasaaradda Sheekh Maxamed Macallin Aadan, ayaa Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarunta wasaaradda ee Hargeysa, ku faahfaahiyey kormeerradii u dambeeyey ee ay sameeyeen, sida ay ugu gudbayso gobollada, diyaarinta manhajka loo samaynayo maddarasadaha oo socda iyo qodobbo kale.

Waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha waaxda masaajiddada iyo maddarasadaha Sheekh Maxamed Macallin Aadan, waxaanu yidhi; “Waxaannu beryahan hawshooda ku jirnay hawlaha habaynta maddaarista Qur’aanka kariimka ah, gaar ahaan diiwaangelintooda iyo kormeerkooda, waxaannu toddobaadkii u dambeeyey ku guda-jirnay kormeerka maddarasadaha xaafadaha degmooyinka ay caasimadda Hargeysa ka kooban tahay. Kormeerka oo aannu filaynay inay laba toddobaad ku dhammayn karno, way ka badatay, maaddaama oo ay Maddarasaduhu halkii ugu mudnayn ee barbaarinta iyo barashada diinta, ahna shaqada ugu mudan ee aannu bulshada masuulka uga nahay, tahayna inaannu dedaal ku bixinno, si fiican bay hawshoodu hadda noogu socotaa.

Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Sh. Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa ugu baaqay maddarasadaha aan is-diiwaangelin inay dhaqso isu diiwaangeliyaan iyo tallaabada tan xigtaa waxay noqonayso. “Wasaaradda Diintu waxay bishii ugu dambaysay ku hawlanayd sidii loo diiwaangelin lahaa maddarasadaha, macallimiintooda iyo waxay dhigaan. Wasaaradda waajibaad dastuuri ah ayaa ka saaran arrimahaas, si fiican baanay u socotaa, waxaannu toddobaadkan bilawnay kormeerka ay shaqaaluhu ku hubinayaan maddarasadaha aan is-diiwaangelin oo aannu degmooyinka Ibraahin Koodbuur iyo Maxamuud Haybe ka bilawnay, aad baanan ugu mahadnaqaynaa Macallimiinta iyo Masuuliyiinta Maddarasadaha oo nala shaqeeyey oo na garab-istaagay. Tiradii aannu filaynay ee maddarasadaha mid ka badan, arday badan iyo macallimiin ka badan intaannu filaynay ayaa ka soo baxay Hargeysa iyo weliba waxay annaga naga filayaan.”

“Maddaariska aan weli is-diiwaangelin waxaan ugu baaqaynaa inay degdeg isu diiwaangeliyaan oo ay sharciga waafaqaan, waayo? Idinka ayey dani idiinku jirtaa oo la idin tayeynayaa. Markaa, is-diiwaangeliya baan leeyayey.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Aadan Cabdillaahi Cabdalla.

Mar uu agaasimaha guud la hadlayey dadka doonaya inay maddarasado cusub furtaan, wuxuu yidhi; “Waxaannu si adag u sheegaynaa Wasaarad ahaan, inaan la furi karin Maddarasad aan wasaaraddu ogaan, sababta oo ah? Maddarasaduhu way isku bateen, waxaanannu rabnaa in haddii maddarasad la furayo aannu qiimayno meesha u baahan in laga furo, cidda furanaysa aqoonteeda iyo buuxinta shuruudaha la rabo.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta oo sharraxaya inta Hargeysa ka hadhay iyo siday gobollada ugu gudbayaan, wuxuu yidhi; “Diiwaangelinta Maddarasadaha ee Hargeysa 85%-kiiba waannu dhammaynay, waxaannu rejaynaynaa 15-ka hadhsanna aannu 15-ka hadhayna aanu dhammaystirno inta ka horraysa 20-ka bishan. Waxaannu halkan ka sheegaynaa in diiwaangelintii maddarasadaha gobollada dalka, 20-ka bishan Maarso u qorshaynay inaannu bilawno, iyadoo aannu shaacin doonno sida ay gobollada iyo degmooyinkoodu ugu kala horreynaynaan diiwaangelinta. Markaa, Macallimiinta iyo Maamulayaasha Maddarasadaha gobollada kale ee dalka waxaannu ugu baaqaynaa inay u diyaar-garoobaan diiwaangelintaas.”

Waxa uu Agaasime Aadan sheegay inay socoto hawsha diyaarinta manhaj isku mid ah oo loo samaynayo maddarasadaha diiniga ah, kaas oo ay dhawaan guddiga qandaraasyadu shaaciyeen inay ku guulaysatay shirkadda HEMO BOOKS, waxaanu yidhi; “Wasaaraddu waxa kale oo ay hadda waddaa samaynta manhajka isku midka ah ee Maddarasadaha loo samaynayo, hawshaas oo aannu hore u baahinnay, meel fiican bay maraysaa hadda. Waxaan u mahadnaqaynaa Guddiga hadh iyo habeenba u soo jeeda oo Wasiirka Diinta iyo awqaaftu guddoomiye u yahay, annaguna kula shaqaynayno wasaarad ahaan. Manhajkaasi wuxuu noqon doonaa mid fudud oo aan ardayda culays ku noqon doonin, isla markaana ku salaysan in ardaydu si isku mid ah wax u barato, oo uu meesha ka saaro caqabadaha ardayda kaga yimaadda kala duwanaanshaha manaahijta maddarasaduhu wax ku baraan.”

Mar uu agaasimaha guud ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey ardayda maddarasaha u kala beddesha oo inta badan maddarasad weliba wixii hore ay ardayda u beddelatay u barteen iska indha-tira oo dib ugu bilaaba qur’aanka iyo culuumta kale ee diiniga ah sida manhajkan ay wadaan wax uga qaban karo caqabaddaas, wuxuu yidhi; “Arrintaasi waxay ka mid tahay baahiya keenay in diiwaangelintan iyo manhajkanba aannu samayno markii halkan aannu ku wada shirnay culimada maddarasadaha. Markaa, waxaannu rabnaa markaannu diiwaangelinta dhammayno ee macluumaadku soo wada-xaroodo, manhajkana samayno, inaannu guddi u samayno, ardayga maddarasad ka beddelanayaa uu halkan yimaaddo oo uu Wasaaradda beddel ka qaato, halkii uu marayeyna looga sii bilaabo oo aan macallinna odhan ani manhaj gaar ah baan dhigaa oo waan kuu bilaabayaa, waayo taasi waxay dulmi ku tahay ardayga beddelka qaatay iyo waalidkiis, markaa, tartanka maddarasaduhu ma saamayn doono ardayda beddelka qaadata.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diintu waxa uu ka jawaabay su’aal laga weydiiyey goorta ay bilaabayaan imtixaan ay hore u sheegeen inay ka qaadayaan Culimada Cilaajyada, waxa uu sheegay inay socoto hawshaas oo muhiimaddeeda leh, isla markaana ay ka wada shaqaynayaan oo ay dhawaan imtixaankooda bilaabayaan wasaarad awqaaf ahaan.

Wasaaradda diinta iyo awqaafta, ayaa hawsha diiwaagelinta Maddaraasadaha qur’aanka hargeysa ka bilawday 26-ka bishii koowaad ee sannadkan 2019-ka, waxaana tiradaha maddarasadaha hargeysa laga diiwaangeliyey iyo ardayda dhigataba la soo bandhigi doonaa marka la dhammaystiro inta hadhsan toddobaadkan soo socda, taasoo gobollada u gudbi doonta, ayaa noqonaysa tallaabadii ugu horreysay ee ay xukuumadda Somaliland ku hubinayso tirada iyo tayada maddarasadaha diiniga ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso