Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Waa kee Siyaasiga 100 wajiile ahi ? “Qaybtii 62aad” Qore : Maxamed Xoosh

 

Sheekadani waxay ka dhacday Dawlad afrikaan ah oo inoo dhaw waxaanay ku dhacday siyaasi xil hayay oo jeclaa inuu noqdo musharax madaxweyne

Masuulkan wuxuu booqday tuulo ku taal deegaan fog si baahiyahooda u ogaado iyo si uga helo taageero u baahanyahay mustaqbal dhaw ee uu xisbiga u sharaxan yahay

Odayaashii deegaanka ayay wada  shireen waxaanu weydiiyay baahiyahoodii

odayaashii deegaanka masuulkii u sheegtay baahiyo badan waxaanay ku dareen balse imika laba baahiyood ayaa noogu daran , Midi waaCeel biyood si ay uga ka cabaan deegaanka oo dhan

Masuulkii : Intuu kacay mobilkiisi dhagta saaray ayuu cod dheer amaro ku bixiyay isagoo la hadlaaya qaybo xukuumada ka mid , Waa in deegaankani si dhakhso ah biyo u helaa, CEEL deg dega waa in loo qodaa , iyo ….

Masuulkii ayaa hadana odayaashii u weydiiyay waa maxay baahida labaad ee degaanka u daran ?

odayaashii : Masuul deegaankaygu ma laha SHABAKAD AMA NETWORK isgaadhsiineed

waxaanu doonaynaa inaad taawar noosoo qabta telefoonka noo amartaa !!!

 

Waxa halkaa ku ceeboobay masuulkii siyaasiga ahaa ee mobilka beenta ah ku hadlaayayDEEGAAN AAN LAHAYN ISGAADHSIIN AYUU ISLAHAA KU QANCI

MOBILE BEEN AH!!!

Kani wuxuu ahaa siyaasi xariif ah oo is iib geynaayay , waxaase dalkeena ka buuuxa oo dadka hor ordaaya qaar ninkan ka liita oo ay xataa aan bulsho khiyaamee ku adagtahay

 Alle Ha Sahlo.

Waxaan madaxweyne Biixi ku bogaadinayaa kaga dhabaynta barnaamijkii kulmiye ololaha kusoo galay iyo SAWIRKA WEYNAA oo mudo xileedkiisa intaanay dhamaan muuqan doon , Horaa loo soconayaa

 

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso