Fatahaado ka dhacay Afganistan oo dhaliyay dhimasho iyo burbur

Ugu yaraaan 20-ruux oo ay ku jiraan tiro caruur ah ayaa ku dhimatay fatahaad ka dhacday gudaha dalka Afganistaan sida ay ku warameen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay.

Dhimashada dadkasi ayaa lala xidhiidhiyay in ay timid ka dib kolkii ay ku soo dumeen Guryahoodii, halka qaar kalana ay la tageen biyaha xilli ay ku safrayeen Gawaadhi

Illaa 10-ruux oo ay ku jiraan caruur ayaa la sheegay in la la’yahay ka dib daadad saameeyay lix degmo oo dhaca gudaha Afganistaan, sida uu xaqiijiyey sarkaal u hadlay qeybta isku duwidda howlaha bini-adanimada ee Qaramada Midoobay

Sida hordhaca ah ilaa 2-kun oo Guri ayaa lagu waramay in ay soo gaadhay waxyeello, halka 4-boqol oo qoys laga raray goobihii ay saameeyeen fatahaadahaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso