Madaxweyne Muuse Toltolkaaga Mooyaane Hayga Jeexjeexin.

Sida aynu la wada socono Somaliland waxay soo jirtay wakhti ku siman ilaa 29 sanadood 1991 -2019. Waxaa iska soo bedelay shan madaxweyne oo uu ugu danbeeyay kan iminka jooga mudane Muuse Biixi Cabdi.

Waxay muwaadiniinta aan ka mid ahay is waydiinayaan halka uu marayo geedigi bulshadeenu ugu jirtay in ay gaadhaan horuumar oo ay heleen aqoonsi caalami ah oo aynu ka helo beesha caalamka.

Hadaba, inta aanan ka jawaabin sida aan u arko iyo aragtidayda, aan idiin soo tebiyo iswaydiintii naftayda ee ahayd oo waa kuma ninka maanta hogaanka aynu u dhiibanay ee hawshan laga sugayaa ? Dee waa mujaahidkii Muuse ee afartii madaxweyne ee ina soo marayba kaladhka haystay ee ka laalaaday.

Oo waxaynu filaynay in uu inoo dhaamayo ee ma kursiguu doonayay mise wax kale ayaa inoo dhiman oo uu weli inala maaganyahay? Dee malaha waxaan is leeyahay kursiga ayuun buu u haliilayay, oo hadana waxaan is waydiiyay, oo talow muxuu ku falayay kursiga? Waxaan isugu jawaabay malaha waxoogaa reerkooda ah in uu kuraas siiyo iyo in loo damaashaado oo durbaanka loo tumo kama badnayn. Waxaanu weli leeyahay waxbaan soo wadaa, waxaana dhamaaday sanad iyo badh! Nin baa laga sheegay “Waar toltolkaaga mooyaane bal hayga jeexjeexin” aniguna waxaaaban is waydiinayaa, talow armuu uga daraa! Bal hadaba aan eegno oo dhugano wakhtigaa uu talada hayay iyo halkee joognaa?

Waxaa muuqata oo uu madaxweynuhu afkiisa ku cadeeyay in aynu dunidii go’doon kaga jiro, isagoo Safarkii bariga ku guda jira oo Burco ka khudbadaynaya wuxuu yidhi “waxaan diyaar u nahay in 30 kii sanadood ee erateriya go’doonka ku jirtay aanu go’doon ku jiro” waa yaabe muu saadaal ka wanaagsan inoo sameeyo! Mar labaad maalintii dhaweyd ee uu ka soo noqday Ethiopia wuxuu sheegay in Abi Axmed inoo badheedhay oo yidhi Somali-wayn la midooba. Waa yaabe ma raadkii arooryo ayaynu dib u raacaynaa.

Dhaqaalihii hadaan eegayna waxaa dalkii ka baxaya qaylo oo waxa aan lagu kala baydhin in busaaradi ku habsatay oo sixir-bararkiina halkiisii ka soo degiwaayay. Waxaa iyaduna inugu cusbaa, dagaalo qabaa’il oo ay ku dhinteen dad ka badan 110 ruux Laascaanood iyo Ceel-afweyn, iyadoo weli qaar taagan yihiin oo aan Madaxweynaha ka dhegaystay markuu shirkii Kulmiye ka khudbadaynayay labo beelood oo isku horfadhiya galbeedka Somaliland, waar hayga hadho mujaahidiintii ayaa siyaasada gudaha fahmaya oo waa niman aad dhaqanka u yaqaan mar hadii Maxamed Kaahin oo Daakhiligii jooga ay baroortii haweeku damiwayday oo dadkeenii tarabtab isugu dhimanayo. Allaa kariim!

Anigu eegay oo waxay ila tahay mudane Muuse Biixi waa Madaxweynihii ugu liitay intii Somaliland soo martay, waa Siyaasigii ugu hagardaamada badnaa ee madaxweyneyaashii hore caqabada ku ahaa ee ay talaabada ka rogi waayeen, maantaana himilidii iyo mustaqbalka Somaliland madaw badan ayaa isku gadaamay ee dalkii haloo feejignaado.

Ibraahin Cabdi Maxamed

Advertisement

Ku Xayeysiiso