Eng. Yarisow “Ciyaaruhu waa fursaddii ay dhalinyaradu uga qeyb qaadan lahayeen Horumarka Caasimadda”

-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in Ciyaaruhu ay muhiimad weyn u yihiin dhalinyarada iyo dhexgalka bulshada Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu hormuud ka yahay adeegsiga ciyaaraha, si bulshada la iskugu xiro, door weynna uga qaataan Nabadda iyo isku-xirnaantooda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo galabta daah furay tartanka GOAL FM oo 32 Iskuul oo Caasimadda ku yaalla ay ku tartamayaan ayaa ugu baaqay bulshada Muqdisho in loo istaago horumarinta ciyaaraha iyo dhiirigelinta dhalinyarada, Maamulka Gobolka Banaadir na uu had iyo goor u taagan yahay wax walba Isboortiga lagu taageerayo.

“Ciyaaruhu waa fursaddii ay dhalinyaradu uga qeyb qaadan lahayeen isdhexgalka bulshada, gaar ahaan ammaanka iyo xasilloonida magaalada Muqdisho, maadaama ay dhalinyaradu tahay udub-dhexaadka Caasimadda . Waxan ugu baaqayaa dhalinyaradu iney xoogga saaraan dadaalladooda ku aaddan ciyaaraha anaguna waa idin garab taaganahay”.

Maamulka Gobolka Banaadir ee hoggaamiyo Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xoogga saaray isdhexgalka, si ay bulshooyinku u noqdaan kuwa wax isla qabsada is weheshada lana yimaadaan hal hadaf oo mideysan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso