Reer Hargeysa Oo Khaati Ka Taagan Tuug Xadaysa Xoolaha Magaaladda Dhexdeeda lagu dhaqdo iyo sababta.

waxa mudooyinkii u dambeeyay reer Hargeysa aad uga qaylinayaan Tuug Xoolaha Nool duhurka cad xadaysa, kuwaasi oo ku soo badanaya oo laga soo sheegay Gudaha Magaaladda Hargeysa iyo Nawaaxigeeda, waxaana loo nisbaynayaa camal la’aanta dalka ka jirta iyo baahida oo soo badanaysa.

Siyaasi Jaamac Hilaac Oo ka tirsan Siyaasiyiinta Reer Hargeysa oo arintani ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Budh-Cad Xoolaad Ka Dilaacday Magaalada Hargeysa. Waxa Saddexdi Todobaad ee la so dhaafay Magaalada Hargeysa Iyo Deeganada Ku xeeran ka dilaacay budhcad xoolad (life stock robbery) Kuwaas oo boobaya Xoolaha Ku nool Magaalada iyo deeganada Ku xeeran,nooca tuugadan oo Ku cusub Magaaladan Hargeysa aya tuugadu Ku beegsanaysa.

Xoolaha ay ka mid yihin Riyaha iyo Idahu Kuwas oo dadka magaaladu dhaqdan, ila hada lama oga sababta keentay tuugadan waxase loo malaynaya nolosha oo dadka Ku sii adkaanaya camal la,aanta iyo sicir bararka oo xadhkaha goostay kaas oo ay xaalad kasta ka dhalan karto hadi aan xal loo helin,dhaqashada Adhi cadka iyo Idaha oo sannadahan dambe Ku so badanaya Magaaladan ayaa la Aamin sanyahay in bulsho badani Ku tiirsantahay manafacoodkooda.Aniga oo ka mid ah dadka dhibanaha ka ah tuugadan wax aaann ogaadey in falalkan tuugada ah loo adeegsado Baabuurta kala ah Noohada iyo kuwa loo yaqaan Tukhaanka kuwasoo into badan ay wataan dhilinyaro aan masuuliyad qaadi Karin. Hayadaha amaanka S/land ayaan weli ka hadal falalkan tuugadan madaama ay masuul ka yihin abniga dadka iyo hantidooda. Dadka laga xaday xoolahoodi aya sheegay in Magaalada laga furay Saylad lagu iibiyo xoolahan tuugadan ah balse weli lama caddayn goobta laga furay Sayladan,falalkan oo kuwo Budhcadnimo ah lama garnayo Halka ay Ku danbayn hadi aan si deg deg ah wax looga qaban. Xukumada M/biixi oo balan qaaday in ay soo afjarayso xaalada sicir bararka ayaan ila had a Ku guuleysan inay wax ka qabato Aafadan uu ka dhaxlay saxiibkisi M/weyne Sillanyo Aafada ka dhalatay sicir bararka aya qarankan u horseeday mid dhinaca fakhriga u socda.
Foore

Advertisement

Ku Xayeysiiso