Madaxweyne Biixi oo Si weyn loogu Soo dhaweeyey Magaalooyinka Dilla iyo Boorama + Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ay booqasho shaqo ugu baxeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayey shacabka ku dhaqan magaalada Boorama oo ay hormood u yihiin salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, waayeelka, haweenka iyo maamulka gobolku, kaga hortageen dhinaca Bari ee magaalada, waxana ay u galbiyeen xarunta khayriyada magaalada, halkaas oo bulshada looga jeediyey hadallo mahadnaq iyo bogaadin ah.

Maayarka Boorama, Mudane Saleebaan Xasan Xaddi, guddoomiyaha gobolka Awdal, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Xildhibaan Axmed Yaaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo la hadlay shacabka isugu soo baxay soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka Awdal si isku mid ah ugu mahadnaqay, waxana ay ku bogaadiyeen inay ilaashadaan isku duubnidooda, horumarka gobolkana ka shaqeeyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ballaadhan oo dhinacyo badan leh u jeediyey shacabka reer Boorama, ayaa ugu horrayn hadalkiisa diirrada ku saaray socdaalkiisii uu dhawaan kaga soo laabtay dalka Itoobiya iyo nuxurka waxyaabihii uu kala hadlay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, isaga oo sharraxay qorshe wada-hadal midho dhal leh lagula geli karo Soomaaliya oo ay ra’iisal wasaaraha isla soo hadal qaadeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Qodobbada aannu ka wada-hadalnay waxa kamid ahaa sidii loo heshiisiin lahaa Somaliland iyo Soomaaliya, waxana uu soo jeediyey wada in arrintaas lagu dhammeeyo wada-hadal oo Afrika ugu dhawee ay gasho iyo caalamkuba, waxana aannu ku nidhi tobankii sano ee ugu dambeeyey annaguun baa aynnu wada-hadalno walaalayaal la daba soconnaye hadday wada-hadal oggol yihiin saacad walba gartayadu way noo duuban tahay waxa naga maqan iyo waxa aanu tabanaynnona waannu ognahay, cidina nala soo talin maysa oo naloogu yeedhi maayo cid dantayada nooga xog-ogaalsan, haddii aannu Somaliland nahayna Koonfurta Soomaaliya lamid ma nihin.

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu ka hadlay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee maalinta berri ah ka qorshaysan inuu magaalada Boorama ka furmo oo uu sharraxay ujeeddada ka dambaysa qabashadiisa, “Shirkani waa mid lagula xisaabtamayo madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, xisbiyo ayaad doorateen, markii xisbiyada la doortayna aniga WADDANI wuu I doortay oo UCID baa I doortay, siday ii doorteenna waa markii codkii la riday KULMIYE ayaa u badsaday, labadii xisbi ee kale haddii aanay oggolaanin oo codkii igu soo wareejin oo aanay odhanin madaxweynow dalka dhex baad u tahee wad maynu soconneen oo sida Koonfurta ayeynnu is layn lahayn, markaa xisbigii KULMIYE oo masuuliyaddaas sida oo qaranka oo dhan u hadlaaya, ayaa ila xisaabtamaya, shanta boqol ee dhaw dhaw ee shirka imanayaana waxa ay ka imanayaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay xaddaaradda iyo aqoonta taalla gobolka Awdal keentay in shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE lagu qabto, islamarkaana ay isugu yimaaddaan ergooyin tiro badan oo shirka ka qaybgeli doonaa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso