Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhow lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow ku dilay Muqdisho Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa lagu dilay meel ku dhow hoygiisa ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Raggii hubeysnaa ee dilka geystay ayaa la sheegay inay baxsadeen.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa soo noqday Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaankii KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya, sidoo kale waxaa uu ahaa ninka ugu da’da weyn Baarlamaanka.

Geesta Kale kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda Dilkan.

Xildhibaan Boqore ayaa ka soo jeeday Somaliland gaar ahaan Gobolka Salal, Saylac.

Advertisement

Ku Xayeysiiso