“Haddii Lagu Adkaysto Dib U Midaynta Somaliland Iyo Soomaaliya Waxay Keenaysaa Khatar Ah Inay Dhiirigeliso Dhul Raadin Amni Darro Keenta”

Dr. Michael Rubin, oo ah madaxa machadka American Enterprise Institute, ayaa dawladda Maraykanka ugu baaqay in la joogo wakhtigii ay aqoonsan lahayd qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaana caalamka uga digay inay ku dheganadaan raadinta midnimo dambe oo uu ka digay halis amni oo ay keeni karto.

Dr. Rubin oo toddobaadkii hore safar ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, lana kulmay Madaxweyne Biixi, ayaa wuxuu toddobaadkan baahiyay qoraal uu kaga hadlay qaddiyadda Somaliland iyo midnimadii burburtay ee Soomaaliya. Qoraalkaas oo uu Geeska Afrika u soo turjumay Soomaali, wuxuu u dhignaa sidan “Siyasadda Maraykanka ee ku aadan Somaliya waxaay salka ku haysa fekerka odhanaya midnimada Somaliya ayaa si buuxda uga dhigi karta nabad dalka, islamarkaana suurtagelin karta inay nabad ka dhigto dhulkeeda. Tan ayaa ahayd fekerka ay qabeen jiilal badan oo ah dadka go’aan qadashada leh [ee Maraykanka ah], balse waa mid caqli ahaan daciif ah.

Arinku wuxuu yahay in la doonayo Somaliland oo ku taal dhinaca woqooyi oo ah saddex meelood ba meel dalka oo ahayd nabad tan iyo 1991kii, inay mar labaad is hoos gayso dawladda iyo maamulka Muqdisho. Inkasta oo ay run tahay in qabiilku yahay waxa kala duwa Somaliland iyo Somaliya inteeda kale ee aanay ahayn qoomiyadnimo, hadana aragtida odhanaysa qoomiiyadnimadu waa inay qeexda dalnimada waa mid aan micno ku dhisnayn.

Ugu horayn bal eeg tusaalayaasha faraha badan ee muujinaya qoomiyado iyo luqado isku mid ah oo ah dalal kala duwan: waxa jira laba Roomaaniyiin (mid kood la yidhaahdo Moldova), laba Albaaniyiin (oo midkood yahay Kosofo), iyo in ka badan 20 dal oo Carab ah.

Waa marka labaad e, haddii xitaa Muqdisho ay dib u maamusho Somaliland, taasi ma keeni doonto midnimo Soomaali. Sida Kurdiyiintu ay afar dal u degan yihiin, ayay Soomaaliduna sidaas oo kale u tahay: marka Somaliya laga yimaado, Jibuuti dadkeeda inta badani waa Soomali; sababta keliya ee ay dal madax banaan u noqotayna waa cidda gumaysatay darteed; gobolka Ogaadeen ee Itoobiya qoomiyad ahaan waa Soomaali, sidaas oo kale waxa la mid ah Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya.

Haddii lagu adkaysto dib u midaynta Somaliland iyo Somaliya waxaay keenaysaa khatar ah inay dhiirigelinayso dhul raadin amni darro keenta. Dagaalkii 1977-1978 oo bilaabmay markii Somaliya ay weerartay Itoobiya si ay u qabsato dhul ay degen yihiin dad qoomiyad ahaan Soomaali waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaa ku bara-kacay nus malyuun qof, wuxuuna mudo kooban noqday xiisad ka mid ah Dagaalkii Qaboobaa. Dhowaan, xiisadda ka dhaxaysa Muqdisho iyo Nayroobi ayaa cirka isku shareertay markii Dawladda Ku-meel gaadhka ah ee Federaalku ay isku dayday inay xaraashto goobo shidaal ku jiro oo ku yaal dhul biyoodka Kenya. Hadii laga helo shidaal biyaha gobolka Soomaalidu degto ee Kenya, dhul raadinta Muqdisho way sii xumaan kartaa.

Malaha dadka go’aan qadashada lihi [ee Maraykanka ahi] xagga danbe ayay ka soo bilaabeen; halka looga arko dawlad dhexe oo xoogan oo Muqdisho fadhida -federaal ha noqoto ama yay noqone- inay u tahay fure xasiloonida gobolka, malaha siyaasadda ka fiicani waa in la abaal mariyo goobaha ku guulaystay degenanasho iyo xasilooni. Jibuuti waxaay in ka badan afartan sanadood ahayd meel qoys maamulo (madaxwaynaha hada waxa adeer u ahaa madaxwaynihii u horeeyey ee dalka). Inkasta oo Jibuuti aanay xornimo iyo dimoqraadiyad tooni ka jirin, hadana sababo istiraajiyadeed iyo kuwo taariikheed ayaa keenay in la aqbalo madax-banaanideeda iyo in iskaashi lala samaysto.

Somaliland waxay si buuxda u ahayd dal madaxbanaan tan iyo 1991kii markii ay ka soo dhex baxday dambaskii dagaalkii keligii taliyihii hore Maxamed Siyaad Barre uu ku doonayay inuu ku tirtiro qabiilka Isaaqa. Waxaay qabatay dhawr doorasho oo is xiga oo madaxwaynenimo, waxaayna qaban doontaa sanadkan dhamaadkiisa doorashadii baarlamaanka ee mudada dheer dib loo dhigay. Marka la eego warbixinta Freedom House, [Somaliland] waa meesha ugu xorsan Somaliya, marka lagu daro Jibuutina waa meesha ugu nabadsan. Halka ciidanka militeriga Somalia uu yahay mid musuq dishooday oo aan waxba qaban karin, ciidanka yar ee Somaliland wuxu ku gulaystay inuu nabad ka dhigo gobolka, xitaa isaga oo la legdamaya cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay. Puntland oo ah gobol iskii isku xukuma oo isku daya inuu ku daydo Somaliland, isna wuxuu leeyahay is-xukun, degenanashona waa ka jiraa inkasta oo uu ogol yahay inuu ka mid ahaado dawladd Federaalka ah ee Somaliya oo aanu ka go’in.  Inta kale ee Somalia oo ay ku jirto Muqdisho waa meel qasan oo aan nabadi ka jirin, iyada oo hadana laga buux dhaafiyay lacag ay sida daadka ugu deeqeen maamulada Obama iyo Trump. Halkii ay ka dhisi lahay dalka, lacagtaas waxa lagu bixiyaa sidii taageero loogu kala iibsan lahaa, waxaayna inta badan sii xoojisaa kala qaybsanaanta.

Qoraalkaygii aan ugu magacdaray “La Ciyaar gudista Shaydaanka” waxaan ku sheegay in Wasaaradda Arimaha Debedda [ee Maraykanku] aanay ku samayn dib u eegis diblomaasiyadeeda la xidhiidha talisyada faro laga qaadka ah. Marka ay noqoto Geeska Afrika, dhibaatadu laga yaabee inay ka duwan tahay, balse waxaay kala siman tahay in lagu guuldaraystay in qiimayn siyaasadeed la sameeyo.

Somaliya waxaay tobanaan sanadood ahayd dal fashilmay oo ku jira oo keliya joogitanka ciidamo nabad ilaalineed oo ku shaqeeya hadhka Midawga Afrika. Halkii uu ka aqoonsan lahaa fashilkaas, maamulka Trump wuxuu ka daba tuurayaa lacag fiican cidii xumayd, taas oo sii laban laabaysa wax Transparency International ugu yeedhay dalka ugu musuqmaasuqa badan aduunka, iyada oo taas loo samaynayo midnimada aan jirin darteed. Siyaasad xikmad ku dhisani waxay tahay in Muqdisho lagu xisaabiyo fashilkeeda, loona ogolaado Soomaalida kale xaqa aayo ka tashiga. Haddii mustaqbalka dalal badan oo Soomaali ahi ay doonaan inay midoobaan, iyaga ayay u taal, balse maaha wax ay tahay Washington inay ku adkaysato.

Geeska

Advertisement

Ku Xayeysiiso