Soomaali lagu dilay Dalka Koofur Afrika

Ugu yaraan Saddex Qof oo ganacsato Soomaaliyeed ah ayaa lagu dilay mid kalana dhaawac culus ayaa soo gaadhay, markii ay kooxo Budhcad Koofur Afrikaan ah weerar ku qaadeen Meherado ay ku lahaayeen Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalkaasi

Meydadka Saddexda Qof oo dhammaantood Rag ahaa ayaa Maanta lagu aasay duleedka Magaalada Pretoria, halka Ninka dhaawaca ah oo ay xaaladdiisu liidatana lagu dabiibayo goobaha caafimaadka ee Magaalada.

Mahad Geeddi Salaad oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaalada Pretoria, ayaa BBC-da u sheegay in ay Jaaliyadda ku sugan halkaasi qabanayaan kulammo lagaga arrinsanayo dilalka soo laalaabtay, maaddaama ay laamaha ammaanku wax ka qaban waayeen cabashadooda.

“Waxaan u malaynayaa in ay Ragga dhaca geysanaya ay tababaran yihiin, waayo markii hore marka layska celiyo ama lala dagaallamo ayay Dadka layn jireen, hadda Qofka ayay dilayaan ka dibna wey dhacayaan”, ayuu yidhi Mahad.

Weerarradan lagu ugaadhsanayo Dadka Ajaanibta ah ee ku dhaqan Dalka Koofur Afrika ayuu ku macneeyay Mahad, mid barakicin ah oo lagula dagaallamyo dhaq-dhaqaaqyada iyo howlaha ganacsi ee ay halkaasi ka wadaan

Advertisement

Ku Xayeysiiso