The Solid House “Somaliland”

THE SOLID HOUSE “Somaliland

“THE SOLID HOUSE”Magacbixinta waxaa iska leh Oday Ismeal Lugowayne, oo ah nin Qoraa ah ilaahay hibbo usiiyay inuu qalinkiisa wax ku sawiro,ilamuu wadaagin halkay u buuxisay,waxaase iimuuqday Suaal Somalilandtiirarkan adag ee ay ku taagan tahay talow maxay ahaayeen?

Saadaal kasta oo Dalalka reer galbeedku ka sheegaan Dawladda Somaliland Xiliyadda Doorashooyinka,Khilaafyadda siyaasiga ah, way beenawdaa waxayna ku danbaysaa sidii ilaahay ugu tallo galay oo guul u badan.

M.Daahir riyaale Xiligii Doorashada uu ku guulaystay ee Muranku jiray ayaa AHU Gud.Gollaha Guurtidu Sh ibraahim Sh yuusuf wuxuu yidhi waar anagaa udooranay kaasaana dalka badbaadinaya,Sheeko caadi ah ayaa loo qaatay,balse message kani waa mid mucjiso ah oo dhab u dhacay M.Daahir Riyaale markii laga guulaystay wuxuu yidhi Dalku gacantayda ku dumi maayo waana la iga guulaystay Badbaadadii uu Sh ibraahim sheegay miyaanay ahayn,wadamo afrikaan ah ayaa kalmadaa awgeed u dumay“THE SOLID HOUSE”

Ololihii doorashada tartankii hebelada kala duwan la kala watay ayaa wajiyo badan oo istaqiinay aad isugu jawaabi jireen,midba weerar iyo difaac isu baacsan jireen,way is cadho galin jireen,hebel waxaa xanta xanteeya hebelo kale oo sawir u saarnaa, dadku markaanay ubislayn tartannadan dimuqraadiyadda Xisbiyadda badan way siqiiraan oo waxay ilaawaan waxa mideeya,waxaa taasna usii dheer cilmi nafsiga iyo qabyaaladda oo inala nool iyo duruufaha adag ee noloshu keentay.

Halkaynu wada lahayn ee loo tartamayay waa Danta guud iyo Qaranimadda Somalilland,kii isku arkayay in Xisbigiisii/Adeerkii guulaystayna inuu kii kale ka cadhaysiiyo kana xigtaysto xikmadi kuma jirto,kii kalena inuu u arko Guusha Qaranku gaadho Dhayal iyo ciyaar guracna kala horyimaado waa Xikmad guurkale,waxaa kasii daran Ka wax fahansan ee isagu dantiisa gaarka ah markuu waayo ku xumee iyo khalkhal galin ku fikira,Dalka dhib iyo dheefba adaa leh ilaahayna waa ku weydiinayaa xumaha aad ula badheedho dadkaa masaakiinta ah ee u baahan in la daajiyo nabaddana loo adkeeyo,hadal wanaagsanna ha noqdee wixii san ee dalka wax u ah waa sadaqo.

Siyaasadda waa lagu kala aragti duwan yahay,Xaqiiqatan Bulshadda Afka soomaaliga ku hadasha meelkasta oo ay joogaan waa dad ehela oo xidid iyo xigaalba isu aha,isma necba balse Siyaasiyiintooda ayaa nacayb badan kala dhex dhigay.

Dawladdii Soomaaliya la odhan jiray meesha ka fayow Dad soomaali ahina joogto ee nolol iyo nabadiba taalaa waa Somaliland,oo mudan in Soomaali kasta meelkasta uu jooga ku farxo, waxaa laga yaabaa Dadkaa soomaaliyeed badbaadadoodu inay ku jirtaba sii Jiritaanka Dawladda Somaliland maadaama la fadhataystay intoodii kale,qaarkoodna Afrikaan la wareegayba.

Sida muuqata The Solid House”Somaliland” waxay leedahay Dastuur u gaar ah,Calan gooniya,Ciidan Soomaali ah oo aan hal ajnabi ahi soo taraxin,Odayaal dhaqan oo isu tanaasula raadkii Dhaqan soomaaliyeedna kasii muuqdo,wax dayna laguma laha,wax walbana waa uqabsoomay,wali dalalkan aduunka iyagu sheegtaakuma faraxsana geedi socodka Nabada Ummadan soomaalida ahi iskood u qabsadeen, cabsi wayn ayay ka qabaan wadankan waxaanay inkiraan guul kasta oo ay Dalkani gaadho balse ilaahaybaa wata.

Saadaal kasta oo Dalalka reer galbeedku ka sheegaan Dawladda Somaliland Xiliyadda Doorashooyinka,Khilaafyadda siyaasiga ah way beenawdaa waxayna ku danbaysaa sidii ilaahay ugu tallo galay.

Dawladdii M.Abdirahman Tuur waxaa guuxoodu badnaa oo dalka ku loolamayay Jabhadii SNM oo wali hubkoodii iyo ciidankeediiba aan la qaramayn,raadkii rafaadkii dagaalkuna kasii muuqdo ayaa si khayr qabta ku wareegtay Hogaamintii dalkuM Mohamed haji Igaloo isagu ilaahay waafajiyay hubka dhigistii iyo qaramayntii ciidanka,Dhismihii Dawladnimadda,aasaaskii Dastuurka,jeexidii dariiqa dimuqraadiyadda ee xisbiyadda badan, ilaahayna waa ogaa dadkuna markhaati ayay ka ahayeen gaalkuna waxbuu qorayay saadaashiisuna way Leexsanayd xaaladkasta siduu la rabay umay noqon.

M.Daahir riyaale oo ahaa nin qunyar socoda wuxuu ku yimid wadadii uu jeexay Marxuum igal wuxuu si dagan usii qaaday waddo mucjiso badnayd hirgalintii dimuqraadiyadda, iyo qaabkii karaamaysnaa ee uu uwareejiyay doorashadii ilaahayna waa ogaa inana ka markhaatibaynu ahayn.

M.Siilaanyo ku guulaystay hogaaminta dalka, isla xiligaasi Saadaasha ay caalamku ka qabeen Somaliland”Solid house” way beenawday ilaahaybaana ugu tallagalay waxkastoo dalka ka dhacay gaalkuse waxbuu qorayay fariintiisuna may rumoobin.

M.siilaanyo waxaa jiray xiligiisa dadaalo badan oo xaga horumarka ku dhac badan oo abaabul bulsho iyo dawladba lahaa wadooyin,dhismayaal wuxuuna si dimuqraadi ah u tartansiiyay Xisbiyadii tartamayay oo M. Muusehalkaas ku guulaystay ilaahhayna waa ogaa.

The solid House hadda wali qodaxi may mudin,Madaxweyne Muuse wuxuu bilaabay isagoo ka faaidaysanaya khibradii uu lahaa 27 sannadood inuu saxo nidaamka dawliga oo dabac badani ka jiray,kala danbaytii iyo hykalkii dawladnimo soo celiyo,Isdhexyaacii badnaa,Siyaasigii maalin ku taajirka ahaa iyo la xisaabtankeediiba wuu soo celiyay,Dagaalkasta oo lagu furay wuu ka baxay,Siyaasadda geeska afrika oo markaliya furin miidhan ina galisay wuxuu kaga baxay adkaysi iyo hogaamin miyir qabta oo aan baryo iyo baroor lahayn,siyaasadii geeska ee la hadal hayayna ileen ilaahayna waa ogyahaye barteena iyo berbera ayay isugu soo ururtay.

Bulshadda reer somaliland waxaan fari lahaa in ay dulqaad badan muujiyaan,dareenkasta oo jirana hoos u damiyaan waayo Dawladdu waa innaga,hala isu tanaasulo hana la isu tudho riyadeenuna waa rumoobaysaa,ilaahayna waa ogyahay Doqonna loo sheegi maayo.

Maalinkasta oo adkaata ilaahaybaa fursadda inoo fura Xadhig kasta oo lasoo xidhayna adkaysi iyo hogaamin ayaynu kaga gudubnay dadka aynu ehelka nahay ee Madaxweyne Farmaajo si khaldan ayuu wax u fahmay weerarada cadawnimo ee aad Dawladda Djabuti iyo Somaliland aad ku qaaday bal cid kula ehela hakuu goyso garbahaagi ayad ku weyday waanad ku fashilantahay ilaahayna waa ogyahay Muqdishana waa la arkayaa ilaahaybay leeyihiin dadkaa masaakiinta ahina.

Qalinkii Ahmedyasin Sh cumar Sh Ahmed.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso