Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Safiir ku-xigeenka Denmark U Fadhida Dalka Kenya.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-siamaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiir ku-xigeen dawladda Denmark u fadhida dalka Kenya Ms. Nina Berg oo socdaal ku timi Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaasi ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya labada dal ee Denmark iyo Somaliland iyo dardargelinta kaalmada ay dawladda Denmark kaga qayb-qaadato mashaariicda horumarineed ee Jamhuuriyadda Somaliland ka socda.

Kulankan, ayaa waxa madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad buuxa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso