Maqaalkan oo noqon doonaa qormadii 3aad ee aynu ku soo koobeynay buugga “DAİLY RİTUALS” ee uu qoray Mason Currey.

Maqaalkan oo noqon doonaa qormadii 3aad ee aynu ku soo koobeynay buugga “DAİLY RİTUALS”
ee uu qoray Mason Currey.Maqaalkan oo noqon doonaa qormadii 3aad ee aynu ku soo koobeynay buugga “DAİLY RİTUALS”
ee uu qoray Mason Currey.
Waxaynu ku soo qaadan ciwaanada kala ah sidee ayay dadkaas uu qoraagu ka waramay wakhtigooda ula qaadan jireen lamaanahooda ,caruurtooda , iyo dadka qaraabadooda ah. Sidoo kale isla qormadan waxaynu ku eegi doonaa dhaqamo ay lahaayeen oo aan ka tagay qormadii hore.

Side ayay wakhti ula qaadan jireen dadka noloshooda qiimaha ku lahaa.

Macnaha guud ee ku jira ciwaankan ayaa ah,”waxay maalin-kasta wakhti gaar ah la qaadan jireen dadka agtooda qiimo ku lahaa”. Tusaale ahaan waxa ka mid ah siyaabaha ay wakhti ula qaadan jireen :
Qaar ka mid ah dadka ku xusan buuggani waxay lahaayeen wakhti ay iyaga iyo lamaanahoodu , ay maalin-kasta soo wada lugeeyn jireen meelo ka mid ah magaalada ay dagan yihiin.
Sidoo kale waxay wakhtigooda kula qaadan jireen lamaanahooda, inay cunnada wadaagaan sida xilliyada quraacda, qadada, ama cashada oo ay isku wakhti iyo isla goob ku wada cuni jıreen.
Waxa kale oo ay wakhtigooda ku qaadan jireen inay wax-wada akhriyaaan ama ay wada ciyaaraan iyaga iyo lamaanahoodu ciyaaro kala duwan.

Dhinaca kale waxay wakhti la qaadan jireen waalidkooda. Sida tusaale ahaan nin ka mid qoraayada buuggan ayaa waxa uu wakhti la qaadan jiray habeenkii hooyadii, una sheekeyin jiray ilaa ay gaadheyso xilliga ay seexaneyso.
Waxa ay wakhti la qaadan jireen caruurtooda. Tusaale ahaan qaar ka mid ah dadka buuggan ku xusani waxay caruurtooda ama caruurta ay wax u yihiin ,u marin jireen casharadooda dugsiga loogu soo dhigay ama iyaga ayaaba u dhigi jiray casharo ay iyagu u soo diyaariyeen oo maskaxdooda waxtar u leh.

Waxa sidoo kale jiray dad ku xusan buuggaas oo iyagu lamaanahooda iyo caruurtoodaba isku mar walkhti la qaadan jiray. Dad-kaas oo ahaa qaar aad u badanaa ayaa waxay dhaqan u lahaayeen in maalinkasta ay wakhti gaar wada qaataan dhamaantood. Sida inay socod lug ah oo dheer ay wada qaataan oo ay ku soo sheekeystaan. Qaar ka mid ahina waxa ay lahaayeen wakhti ay wada cabaan shaaha oo ay wada fadhiisataan dadka ka tirsan reerka oo dhammi.

Qeybta labaad ee qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa dhaqamo ay lahaayeen oo aan ka tagay qormadii hore.

Waxay diyaarin jireen ama qorsheyn jireen markay soo kacaan waxa ay qaban doonaan maalintooda, iyaga oo ku sugan isla goobtooda hurdo. Sidoo kale waxa dhici jirtay inay qaar ka mid ahi marka ay soo baraaru-gaan habeenkii , ay waraaq ku qori jireen waxa fikrad ah ee ku soo dhacday xilligay hurdeen. Waliba waxa intaas sii dheer inay xilliyada ay lugeynayaan ay sidan jireen warqad iyo qalin ay ku qoran wixii fikrad ah ama muuqaal cajiib ah ee ay la kulmaan xilligay ku guda jiraan socod-koodaas gaaban.

Xıdhmada qormadan waxaynu ku soo koobeynaa inay muhiim tahay in wakhti lala qaato dadka nolosheena qiimo ku leh.
Sidoo kalena waxa aad u muhiim ah in aad heysato ama ay kaa ag dhawaato meel aad ku qorto waxa ku cajabiya ama haddii ay kugu soo dhacdo fikrad wanaagsani . Waayo waxaynu joognaa xilli ay aqoontu fiday oo aad xogo muhiim ah aad si fudud ku heli kartid ama ay si lama filaan ah kaaga soo hor-bixi karaan. Sıdaas awgeed waa inaad sameysato meel aad ku keydsato sıda mobil-kaaga.

LA SOCDA QEYBTA 4AAD.

F.G
MAQAALKA QORMADANI WAA KA KOOBAN YAHAY KUWII HORE. WAXAAN ARKAY INAY QORMADII HORE DHEEREYD. WAAYO WAXAAN ISKU DEYAA INAANAY KA BADAN QORAALADU 2 BOG.

Bulside3@gmail.com

https://medium.com/@Kadim

muhiim ah aad si fudud ku heli kartid ama ay si lama filaan ah kaaga soo hor-bixi karaan. Sıdaas awgeed waa inaad sameysato meel aad ku keydsato sıda mobil-kaaga.

LA SOCDA QEYBTA 4AAD.

F.G
MAQAALKA QORMADANI WAA KA KOOBAN YAHAY KUWII HORE. WAXAAN ARKAY INAY QORMADII HORE DHEEREYD. WAAYO WAXAAN ISKU DEYAA INAANAY KA BADAN QORAALADU 2 BOG.

Bulside3@gmail.com

https://medium.com/@Kadim

Advertisement

Ku Xayeysiiso