Ciidanka PSF ee Puntland oo Howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey Buuraha Cal Madow

Ciidamada amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey deegaano ka tirsan Buuraha Cal Madow ee maamulkaasi.

Puntland ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay uga hortageen weerar kaga yimid dhinca Al-shabaab ee ku sugan Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer, isla markaana ay fashiliyeen weeraradaasi.

Sidoo kale dowlada Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in weeraradaasi Al-shabaab ay la damacsanaayeen Xarumaha Ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin ee ku yaalla Buuraha Galgala.

Buuraha Galgala ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo mararka qaarkood weeraro ku qaada Ciidamada Puntland ee ku sugan halkaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso