War Deg-deg ah : Dowlada Kenya oo Safiirkeedii Somaliya u yeedhatay kii Somaaliyana ku amartay inuu dalkeeda ka baxo

Dowlada Kenya ayaa dib ugu yeedhatay safiirkeedii dalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka dowlada Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Kenya inuu ka baxo dalka Kenya.

Warkan oo goordhow soo baxay ayaa waxaa la sheegayaa in tallaabada ay dowlada Kenya qaadatay ay la xidhiidho iyadoo aaminsan in dowlada Soomaaliya ay ku dartay xaraashkii ay ku sameysay shidaalka iyo gaaska Soomaaliya deegaano ka mid ah dalka Kenya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan magaalada London ku so bandhigtey kheyraadka shidaalka iyo gaaska ee ku jira gudaha dalkaasi iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka ahna ay ku tilmaameen kulankaasi inuu ahaa mid lagu xaraashayay shidaalka dalka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhexeeya muran salka ku haya lahaanshaha qeybo ka mid ah badweynta Hindiya iyadoo dacwadaasna ay taal Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ.

Advertisement

Ku Xayeysiiso