Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga JSL Oo Dalka Ku Soo Laabtay

Wasiirka Gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) iyo wasiirka qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahin Shirwac oo safar kooban oo ay ku tageen dalka jamuuriyada Jabuuti ay dalka maanta dib ugu soo noqdeen waxaana magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey Afhayeenka wasaarada Gaashaandhiga JSL Cumar Cabdirisaaq Cali waftigu waxa uu faahfaahin ka bixiyey safarka iyo kulamada ay la qaateen madaxda ugu saraysa dalka Jabuuti.
Ugu horayn wasiirka wasaarada gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo waftiga hogaaminayey ayaa sheegay in safarkani uu ahaa marti qaad ay ka heleen dawlada Jabuuti kaasi oo sida uu sheegay si meeqaam sare ah loo soo dhaweeyey waxa ayna la kulmeen wasiiro kala duwan oo ka tirsan dawlada Jabuuti, Raysal wasaaraha dawlada Jabuuti iyo madaxwaynaha jamuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.
Waxaana uu sheegay in ay ka xukuumad ahaan ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta labada dal ee walaalaha ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.
Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahin Shirwac waxaanu sheegay in ay si siifacan loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti safarkanina uu ahaa mid lagu xoojinayo xidhiidhka Somaliland Iyo Jabuuti ka wasiir ahaana uu la kulmay wasiirada dhanka horumarinta si looga wada shaqeeyo kor u qaadida dhanka horumarka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso