Madaxweyne Muuse Biixi Dalku Badbaado Ayuu Kaaga Baahanyahay Si Kalsoonidii Shacabku Usoo Noqoto

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI DALKU BADBAADO AYUU KAAGA BAAHANYAHAY SI KALSOONIDII SHACABKU USOO NOQOTO
Wadan ama Umad marka ladhisayo ama la hagayo waxay ubaahantahay inay hesho dad ay ka go,antahay masuuliyad iyo hawlkarnimo una daacad ah shacabka iyo bulshada ay masuuliyada u hayaan iyagoo dejinaya hanaanka iyo siyaasada xukunka iyo midaynta dadka iyo kashaqaynta danta guud ee bulshadooda ay metalayaan.
Hadaba waxa ay Somaliland u gacan gashay dad aan lahayn ideologyad ay ku xaqiijiyaan horumarka wadankooda maqlayna siyaasad ama xil oo aan lahayn ama aan fahan sanayn waxa ay siyaasadu tahay oo aan lahayn damiir wadaniyadeed taas qofka hadii laga waayana wixii uu gacanta ku dhigo waxa uu uga faa,iidaystaa dano shaqsiyadeed(private interest) waana ta Somaliland maanta gaadhsiisay iyadoo khayraad badeed iyo mid dhuleed haysata inay shacabkeedu ku noolaadaan dakhli kayar celcelis ahaan maalintii hal dollar ama wax kayar
Waxaynu ognahay inuu wadanku leeyahaysaddexdii laamood ee dawladnimo balse maaha heeyado is miisaama ama is qabta sida uu dhigayo sharciga( check and balance) waana waxa sababay in dekedii iyo khayraadkii wadanka iyo umada aayaha u ahaa indho la,aan iyo danaysi koox gaara lagu qaato iyadoo laga faa,iidaysanayo shacabka wadanka oo lakala qaybiyey qolo qolona lagu ooday iyo in iska aamustay markii loo joojin waayey.
Xaaladaha wadanka ka jira ee burburka ku keenaya waxa kaloo kamida
1. Sarayn la,aanta sharciga wadanka oo dadkii wadanka loo dooraty aanu qaban
2. Xoriyadii hadalka ee dastuurka s/land shacabkiisa u damaanad qaaday oo lagu cabudhinayo gaar ahaan bahdii saxaafada oo tiirka afraad ee dawladnimada ahaa abwaanadii indheer garadkii iyadoo maanta dalka inbadan oo wariyayaal ahi ay dibada uga baxeen kadib xadhig iyo tacadiyo loo geystay awgeed sida coldoon/terra iyo rag lamida
3. Waxa hoos udhac wayni ku yimi siyaasadii arrimaha dibada s/land inagoo og in wakiilo wadamo badan inoo fadhiyey aanay shaqo qaban amaba ay xidhmeen iyadoo miisaaniyad badan oo umada wax loogu qaban lahaa ku baxdo
4. Waxa luntay mid nimadii umada waxaana loo fadhiistay reer reer
5. Xukumada oo ay ka luntay miisaankii iyo hanaankii xilalka wadanka lagu miisaami lahaa iyadoo wadanka hanaankiisa maamul ay ku urureen koox gaara taasna ay lumisay kalsoonidii shacabka ay u hayeen xukumada kulmiye
6. Sixir bararka naafeeyey umadii danyarta ahayd iydoo inbadan aynu ognahay inaan dabka aanay shidan
Gebegebadii waxaan talo ugu soo jeedin lahaa madaxweyne biixi qodobadan hoos ku qoran
1. Inuu xukumadiisa iyo waaxdiisa fulinta umagacaabo aqoon yahano dersi kara xaalada wadanka dhaqaajina kara siyaasadaha horumarineed dibna u daraasadayn kara wixii xukumad ahaan hore u khaldamay
2. Inuu wadanka hanaankiisa siyaasadeed furfuro fadhiga ka kaco uu kashaqaysiiyo siyaasada arrimaha dibada/iyo ta gudaha labadaba
3. In ay kaa muuqato cadaalad daradii iyo dulmigii shalay aad kasoo dagaalantaytay shalay wixii laga dagaalamay waxay ahayd dawlad dhinac ka rarnayd iyo tacadiyo hadii aan taa waxba aanad ka qabana wadankan jahwareer iyo kacdoon ayay keenaysaa
4. Xaalada wadanka inaad indhaha iyo dhagaha u furato dhagaysato rabitaanka shacabkaaga kana jawaabto waxa ay shacabku rabaan
5. Inaad soo celiso sharcigii iyo kala danbayntii wadanka lana jaan qaado siyaasada gobolka iyo isbedelada mandaqada aynu ku nool nahay kusoo kordhay

Wabillaahi Tawfiiq
Abdulkadir Farlow Xaashi
Title: Falanqeeye arimaha siyaasada.
E-mail. Xaashi74@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso