Madaxweynaha Puntland oo Golaha Wakiillada Horgeeyey Golaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland.

16 Feb 2019 Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horgeeyey Golaha Xukuumadda dowladda Puntland ee cusub Golaha Wakiillada dowladda Puntland oo ku gudajira hawl-maalmeedkooda shaqo ee kal-fadhiga 43-aad fadhigiisa 19-aad.

Fadhiga 19-aad ee lagu ansixinayo Golaha Wasiirada dowladda Puntland ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo ku-xigeenadiisa, mudanayaasha Golaha Wakiillada dowladda Puntland, Golaha Wasiirada cusub ee Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa khudbad muhiima ka horjeediyey Golaha Wakiillada Puntland taasi oo uu kaga hadlayo arrimo ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland.

“Mudanayaal iyo murwooyin isbedelkii dhacay Janaayo 08 2019 wuxuu kusoo beegmay xili baahiweyn looqabey tayaynta hay’addaha dowliga ah iyo dardargelinta adeegyada bulshada, dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada. Waxaa sidoo kale la socotaan in culaysyo amni iyo dhaqaale xumo soo jiitamayey mudooyinkii u danbeeyey ay gud ahaan hadheeyeen xasiloonidii iyo kobicii dhaqaalaha ee deegaanada Puntland, waxay keentay in cadawyo badani kusoo dhiiradaan deegaanada Puntland iyagoo beegsanaya nabadgelyada, dhaqaalaha iyo midnimada guud ee dadka reer Puntland, waxaa tusaale inoogu filan duulaanadii is-xigxigey ee Tukaraq, Suuj, Garmaal, Garacad, Qandala, buuraha Calmadaw iyo Calmiskaad.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xukuumadda cusub ay ka mira dhalindoonaan balanqaadyadii uu u sameeyey shacabka Puntland xiligii ololaha doorashada, waxaana uu tilmamay Madaxweynuhu inuu dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada.

“Anaga oo ka ambaqaadayna balanqaadyadii aan samaynay xiligii doorashada xukuumadda cusub ee aan soo dhisnay waxay xooga saaridoontaa ka mira dhalinta iyo fulinta balanqaadyadii nala ku doortay, waxaan dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada, anaga oo aasaas ka dhiganayna tayaynta hay’addaha dowliga iyo saraynta sharciga si horumar walba oo la gaadho uu u noqdo mid joogtaysan oo aan ku xirnayn qof ama cidgooni ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa balanqaaday in si baaxadle xukuumadda dowladda Puntland wax uga qabandoonto arrimaha Amniga, hirgelinta isbedel siyaasadeed iyo tayaynta hay’addaha dowladda , Dib u habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha, tayaynta adeegyada Bulshada, arrimaha garsoorka, daryeelka degaanka, horumarinta arrimaha dhalinyarada iyo arrimaha haweenka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wakiillada Puntland ka codsadey inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub ee Puntland, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xusay in Wasiirada cusub lagu soo xulay aqoon, karti iyo waaya aragnimo.

“Waxaan gunaanadkii ka codsanayaa xubnaha Golaha wakiillada inay ansixiyaan xubnaha Golaha wakiillada cusub ee idin horjooga maanta, wakhtina u siisaan inay u adeegaan bulshada reer Puntland, waxaan ku kalsoonahay inaad codsigaas naga aqbalidoontaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso