Jamaal Cali Xuseen Iyo Sheeko Kale Oo Taabanaysa Cidhib Xumadda Ay Sababto Markhaati Beenaalaha Iyo Caadilka Xukunka Qalooca Rida “Haddii Ay Adiga Ku Seegto,Ubadkaaga Dhaafi Mayso”.

“Kuwan Cadaaladda Loo Dhiibay Ee Xaqdaradda Qof Ugu Sameynaya Iyagoo Hebel Kale U Hiilinaya, Weliba Waxa La Yidhi Haddaad Adigu Badbaadana …”

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Mid ah Siyaasiyiinta ugu miisaanka Culus Somaliland Islamarkaana mudooyinka dambe sheekooyin maldahan ku soo qaata dhacdooyinka maalinlaha ah ee dalka ka dhaca ayaa mar kale sheeko cajiib ah oo ku cibro qaadasho ah ku soo qaatay raadka xun ee ay If iyo Aakhiraba ku keento ninka Markhaati beenaalaha fura iyo Caadilka Xukunka Baadilka ah ridda. Akhri Nin Beerka, Wadnaha iyo kelyuhu istaageen, Muxuu sameeyay”.

Qisooyinka inaga dhex dhaca Waxay marwalba hogatusaale u yihiin nolosheena. Sheekadan kooban een idinla wadaagayaa waa mid Ku haboon maantoo Jimce ah. Nin baa doraad iiga sheekeeyey. Nin xanuusanaya oo cisbitaalka jiifa ayaa kelyahiisii in yari shaqaynaysayoo la filayaay inay fadhiistaan, wadna xanuun xun wuu leeyahaa, beerkuna sidoo kale. Xaaladiisa caafimaad ayeey dhakhtaraddii ka dayriyeen. Ninkii ayaa kolkuu xaaladiisii arkay u yeedhay dhakhtarkii Oo ku yidhi waxaad iigu yeedhaa Ninka hebel la yidhaa Oo telefoonkiisa hebel kale weydii. Adigu dhakhtarkii wuxuu helay hebelkii uu raadinaayey ee ninka xanuusanayaa u diray.

Kolkii uu la hadlay ayuu dhakharkii u sheegay in hebel Oo xanuusanayaa raadinayo, dhakhtarkana uu jiifo. Dhakhtarkii ayuu weydiiyey sida Ninka loo hayo. Dhakhtarkii Oo aan ogeyn xidhiidhka labada nin ka dhexeeya una haysta inuu ehelkii yahay ayaa ku nuuxnuuxsaday oo u sharaxay sida kelyaha, beerka, iyo wadnahaba looga hayo ninkaasi. Xaguu dhakhtarkii ka filaayey inuu naxo Oo soo cararo Oo Ninka dhakhtarka Ugu yimaado ayuu ninkii ku jawaabay; ” Maanshallah kol haddii Ilaahay ducaddii Iga aqbalay Oo intii aan ku duceystayba uu maanta u jiifo” Dhakhtarkii Oo Ilaahay fajac u keenay ayaa weydiiyey sababta ku keliftay ee uu hadalkaasi u yidhi. Ninkii ayaa ku jawaabay; ” Dhakhtaroow ninkan ku soo diray ayaa kitaab beenaale markhaati ugu furay nin kale Oo Iga qaaday guriga yaroo oon lahaa iyadoo halkii wixii aan sanado badan u shaqaysanayey ay ku qaateen caruurtaydiina ugu guri waayey. Maanta markuu ogaaday inuu dhimanayo ayuu aayar uun rabaa inaan saamaxo. Nin Dhakhtarka ahaana halkii buu ka cago jiiday isagoo labadda dhaban haysta.

Odhan mayno waa sax, odhan mayno waa qalad. Laakiin waa hogatusaale in aynaan markhaati beena isu furin, cidna cid kale lugta u jiidin, xaqdarana qof Ugu sameeynin, xaqdaradana laga aamusin.Aakhiradana ha loo tudho, dadkana ruux lagu jiro Ilaahaybaa oge is dhowra weliba kuwan ummadda xaqoodii gacanta ku haya, kuwa baayacmusheriga iyo siyaasadda isu khiyaamaynaya, kuwan cadaaladda loo dhiibay, kuwan xaqdaradda qof Ugu sameynaya iyagoo hebel kale u hiilinaya, weliba waxa la yidhi haddaad adigu badbaadana dhashaada ayeey sugtaa; waar cuqubadda la gelayo halaga digtoonaado dhinac kastaba. Jimce mubaarak.

Advertisement

Ku Xayeysiiso