Gorfayn Dhigane Isma Oga Adduun—Murti, Sheekooyin iyo Talooyin Wax-ku-ool Ah

Gorfayn Dhigane
Isma Oga Adduun—Murti, Sheekooyin iyo Talooyin Wax-ku-ool Ah

Nin baa beri yidhi: “Xikmadaha waxa loogu jecel yahay kuwa dadka ka qosliya.” Dhiganaha cusub ee “Isma Oga Adduun” ee uu qoraa Xasan Cabdi Madar dhowaan soo saaray, mar kasta oo aan akhriyaba hadalka ninkaas baan xusuustaa.
Sheekooyin iyo arrimo kala duwan oo qosol leh oo aan laga xiisa-dhacayn baa ku qoran. Kolley anigu qaybahaas oo aan tiro lahayn baan ugu jecelahay, akhrisna ugu noqnoqdaa. Laakiin jacaylkaa aan sheegayaa in ay qaybahaasi ugu wanaagsan yihiin kama turjumayo, ee xiisahayga gaarka ah ayuu ku saabsan yahay. Waxa se meesha ku jirta in aanay arrintu mar walba qosol iyo madaddaalo u ekayn, ee mararka qaarkood murugo la dareemi karo. Bal akhri sheekooyinka “Dhibban iyo dhegoole” iyo “Uurkii hooyadii buu ammaan ku waayey” adiga ayaa waxa kuu baxa dareemi doona e’.

Waa “Isma Oga Adduun” oo ka kooban 180 bog oo waraaqaha wax lagu daabaco kuwa ugu fiican lagu dhigay, daabacaaddiisuna ay wanaagsan tahay. Sida dhabarka ama jaldiga halkiisa danbe ku qoran waayo adduun, nolol bulsho iyo siyaasad mala’awaalka qoraha lagu soo gudbiyey ayuu ka warramayaa. Wuxuu uga warramayaa si mararka qaarkood maldahan oo farshaxan ah, waxana aynu isku raacsanahay hadalka sarbeebta ama guudmarka ahi in uu marar badan ka riddo fog yahay ka qayaxan ee had iyo jeer wax la isugu gudbiyo. Intaa waxa haddana u sii dheer isaga oo u dhigan qaab sheeko, bani’aadankuna qisooyinka aad iyo aad buu u xiiseeyaa, oo jacaylka uu u qabaa waa mid caalami ah, oo aan ummad keli ah ku koobnayn.

Waxaynu nool nahay casri aqoonta iyo aqoondarradu ay kala caddaadeen, farsamooyinka kala duwan ee cilmiga lagu gudbiyana heerkii ugu sarreeyey laga gaadhay. Ummadaha kala duwan ee adduunka ku dhaqanina way kala tageen, oo qaarkood inta cirka iyo dhulku ay isku jiraan in lagu qiyaasi karo ayey isu jiraan. Sidaa darteed waxaynu baahi weyn u qabnaa talooyin lagu liibaano iyo qoraallo waxtar leh oo fikir sarreeya, aqoon iyo ilbaxnimo ay ka buuxaan. Kuwaas ayaa nolosheenna wax ka beddeli kara haddii la dhaqan geliyo, waxana meel fiican oo qiima leh kuwaa ka gelaya buuggan aynu hadda ka hadlayno ee “Isma Oga Adduun”, oo ku habboon in maktabadaha dugsiyada iyo goobaha wax lagu akhristo oo dhan la dhigo si ay da’yartu murti iyo waaya’aragnimo badan uga hesho.

Ummad beryaha qaar niyad wanaagsanayd oo quluub nadiif ah, dadaal badan iyo rajooyin wanaagsani ay ku jireen ayuu burbur weyn oo kama-danbays ahi ku dhacay. Intii mashkiladdaas ka bedbaadday waxay noqotay in dalka gudihiisa ay duruufo kala dudduwani ku haystaan iyo in badaha ka tallawday oo dalal shisheeye magan iyo qaxooti ku noqotay. Ummad sidaas ah baahideedu ma yara oo nidaam dawladeed oo wacan, maamul hufan, caafimaad, wacyi-gelin, waxbarasho, kaabayaasha dhaqaalaha oo loo dhiso, daryeel, wadajir iyo wixii la mid ah ba way u baahan tahay.

Bulshadaas oo teenna ah buu “Isma Oga Adduun” si heer sare ah ula hadlayaa ama uga hadlayaa. Mar kasta oo uu dhibaatooyinka mujtamaceenna haysta, gudo iyo dibedba, wax inooga sawiro waxa uu mararka qaarkood farta ku fiiqayaa xalka dhibaatadaas iyada ah. Marar kale na wuu inoo dulmarayaa oo innaga ayuu xalka inoo dhaafayaa, waayo waa tii la yidhi: “Hadal waayeel waa guudmar”. Wuxuu malaha doonayaa in aynu maskaxda shiilno oo aynu dhinacyo kala duwan wax ka eegno si aynu talooyin meelmar ah u helno.

Qaar beryihii ay yaryaraayeen “Caws iyo biyo ku nool” baa ku cuni lagaga cabsi-gelin jiray oo maanta iyaga oo dad waaweyn ah 911 ama 112 lagaga cabsiiyo ayaad gudaha buuggan ugu tegeysaa. (Gubtaanyo, bogga 12aad). Waxaad ugu tegeysaa ri’ madaxa dheri la gashay oo si dheriga loo bedbaadiyo la yidhi, ri’da qoorta ha laga jaro. Markii haddana madaxii dherigii laga soo saari kari waayey lagu taliyey in dheriga la jabiyo si madaxa looga soo saaro, oo halkaa ri’dii iyo dherigii ba lagu waayey. (Meel madhan muggeed, bogga 124aad).

Bal waxaad isweydiisaa in ay dhici karto bulsho dhan oo meel ku dhaqani in ay mar keli ah wax walba wada illaawi karto iyo in kale. Qoraagu wuxuu sawir inaga siiyey bulsho beri meel ku noolayd oo uu ku dhacay “Seexanwaa”, kaas oo markii danbe ku keenay in ay wax walba illaawaan, oo ay waxbaba xusuusan waayaan.

Markii hore waxay illaaween noloshoodii dhallaannimo, markii xigeyna waxay illaaween marxaladihii nololeed ee ay soo mareen oo idil, dabadeedna waxay u ekaadeen sidii dad ay wax kastaaba eegga bilow u yihiin. Waxay gaadheen heer uu qofku illaawo oo garan waayo aabbihii, hooyadii, saaxiibkii, oo ay xataa dadka iyo dameeraha kala garan waayaan. Waxay gaadheen heer ay garan waayaan waxa sacu yahay iyo waxa ay caanuhu yihiin…(Xusuus beel, bogagga 139 – 140).

Waxaan isweydiiyey waxa uu qoraagu qisadaa uga jeedo, waayo waxa lagu doodi karaa in uu Soomaalida ba beryahan danbe ku dhacay wax lagu tilmaami karo “Samo-garanwaa”. Waxay hore u illowday tiirarkii ummadnimada, markii danbe na gobannimadii. Waxay gaadhay heer ay, mararka qaarkood, kala sooci kari weydo hibooyinkii uu Alle ugu deeqay sida wax kasta oo ah dhaxal ma-guuraan ah, waxyaalaha kale ee ay si guud u wada leedahay, waxyaalaha uu muwaaddinka gaarka ahi gar u leeyahay, maxaa san maxaase daran, iwm!

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan buu “Isma Oga Adduun” qaadaa-dhigayaa. Waxa ka buuxa sheekooyin iyo qoraallo mucjisooyin ah oo marar badan fikir badan qofka akhriya ku dhalinaya, waxana ka mid ah: “Gubtaanyo”, “Qalin shubato”, “Ma ninkaan ogaa baa?”, “Iyagii bay ismoodday”, “Isagoo gaboobay”, “Gabayga iyo waqtiga”, “Qof dhintaan waraystaa!”, “Xanshashaq: sidee dadku wax u xadaa?”, “Anigaa iska kiin og!”, “Gartii indho dhego”, iyo qaar kale oo badan.

Bal hadda sheekadaa u danbaysa, innaga oo tusaale ahaan u soo qaadanayna, aynu isha marinno oo dhuuxno xikmadda ku jirta.

Gartii Indho Dhego
Waxa la weriyey sheekada islaan u soo baxday baadi-doonka riyaheedii oo ka lumay. Waxa ay kolba dhinac u meeraysataba, waxa ay ugu danbayn ku soo baxday oday weyn oo jidka dhinaciisa shaah ku karsanaya. Odaygu wuu dhego cuslaa, iyada oo aanse dareensanayn in uu dhega culus yahay ayey weydiisay: “Ma aragtay riyo baadi ah”?

Odaygu waxa uu moodayey in ay weydiisay ceelkii biyaha oo dhinaca dooxa ayuu gacanta ugu fiiqay. Islaantii inta ay u mahadnaqday ayey xaggii dooxa u dhaqaaqday. Halkaas baanay si lama filaan ah uga heshay riyaheedii.

Waxa ay heshay riyihii oo bedqaba, waxar yar oo lug ka jabtay mooyee. Inta ay waxartii sinta ku soo qaadday ayey riyihii soo kaxaysatay. Waxa ay soo ag martay odaygii, kolkaas bay is ag taagtay si ay uga mahadnaqdo riyaha uu u tilmaamay. Waxa ay abaal uga dhigtay in ay siiso waxartii lugta ka jabtay.

Laakiin odaygan dhegaha culusi muu fahmayn waxa ay islaantu ku hadlayso, markii ay waxarta xaggiisa u soo fidisayna waxa uu u qaatay in ay leedahay adigaa iga jebiyey oo ay dacweynayso, aad baanu u xanaaqay.

“Anigu shaqo kuma lihi” ayuu sare ugu dhawaaqay.
“Laakiin adigaa ii tilmaamay meesha ay joogaan” bay islaantii tidhi.
“Waa arrin riyaha oo dhan ku dhacda, aniguna shaqo kuma lihi” ayuu haddana kor ugu qayliyey odaygii oo fiigsani.
“Waxa aan ka soo helay halkii aad iigu tilmaantay, waxanan doonayaa in aan waxartan abaal kuu siiyo “ bay tidhi islaantii.
“Ha i caayin, anigu waxaraha ma jebiyee” ayuu ku dhawaaqay odaygii isaga oo cadhaysan, kolkaasuu islaantii dhirbaaxay. “Orod oo iga tag anigu weligay waxartaadan ma arage” ayuu raaciyey.

“Ma arkaysaan in uu i dhirbaaxay, maxkamadda ayaan ka dacweynayaa” bay islaantii dadkii ku soo xoomay ku tidhi.

Markaas ayaa islaantii oo waxartii laalaadinaysa, odaygii dhegoolaha ahaa iyo dadkiiba garsoorihii ugu tageen maxkamadda. Garsoorihii baa u soo baxay si uu cabashadooda u dhegaysto.

Ugu horreyn islaantii baa hadashay, kadibna odaygii, kadibna dadkii. Garsoorihii madaxa ayuu kor iyo hoos u ruxay. Laakiin hadalkan dadku macno uma samaynayn garsooraha oo sida odayga ayuu isna dhego cuslaa. Weliba aragga indhahana wuu ka liitay.

Ugu danbayn garsoorihii inta uu hadalkii xidhay ayuu go’aankii garta dhiibay. Waxa uu yidhi, “Dadkiinan xaasaska ahi inaad maxkamadda isa soo tubtaan ceeb bay ku tahay boqorka”. Waxa uu ku jeedsaday odaygii oo ku yidhi, “Imminka laga bilaabo islaantaada ma dili kartid”. Haddana islaantii waxarta gacanta ku haysay buu ku jeedsaday, “Adiguna iska daa caajiska oo odaygaaga cuntada ha kala habsaamin.”

Waxa uu intaa raaciyey isaga oo indho darraanta darteed waxarta moodayey ilmo yar, “Ilmahan yar ee aad wadataanna Ilaahay cimrigiisa ha dheereeyo oo ha ka dhigo kii idin anfaca”.
Dadkii oo fajac iyo anfariir ku dhacay oo caddaaladda garsooruhu yaab gelisay baa halkii ku kala dareeray! (Arag bogagga 131 – 132).
* * *
Qisadaas layaabka leh ayaa ka mid ah sheekooyinka buugga ku jira. In kasta oo qoraallada dhiganahan ku jiraa ay kala dudduwan yihiin, oo uu mid kasta oo ka mid ahi ba mawduuc gaar ah ka hadlayo, haddana wax ay wadaagaan ama isku xidhaya ayaa jira, oo ummad keli ah ayey maslaxaddeeda iyo waayaheeda qaadaa-dhigayaan. Dhinacyada kala dudduwan ee ay ka hadlayaan na inta badan war iskama hayaan, oo waxa la odhan karaa, haddii ay iska warqabi lahaayeen waxyaallo badan oo qalqalloocaa sidaa ma ay noqdeen. Iska-war-hayn la’aantaas ayaa malaha keentay in uu qoraagu ka dhexaysiiyo magaca ah “Isma Oga Adduun”, kaas oo ah mid wanaagsan oo caqligal ah.

Macluumaad badan buu buuggu inaga haqabtirayaa. Sidaa darteed maqaallo sida kan oo kale koobkooban laguma dhammayn karo ee waxa habboon in qofku buugga laftiisa qaato oo uu akhriyo si wacan na uga bogto, waayo waa tii hore loo yidhi: “Biyo sacabbadaada ayaa lagaga dhergaa”.
Ugu danbayn, qoraa Xasan Cabdi Madar, imminka iyo marar hore oo badan ba waxa uu bulshada u qabtay shaqooyin waaweyn oo qaayo leh. Runtii mahadnaq meel sare gaadhsiisan ayuu mudan yahay.

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso