Donald Trump oo mar kale ku hanjabay xaalad deg-deg ah

Madaxweynaha Dalka  Maraykanka Donald J, Trump ayaa mar kale ku gooddiyay inuu ku dhawaaqayo xaalad deg-deg ah oo uu Dalkaasi galayo, haddii aan la meel marin dalabkiisa cusub ee ah 8 Bilyan oo Doollar oo lagu dhisayo Derbi u dhexeeya Maraykanka iyo Mexico.

Donald Trump ayaan hore ugu guuleysan inuu helo 5.7 Bilyan oo Doollar oo uu dhowaan codsaday, isagoo dalabkan cusubna ku dhowaaqay xilli uusan Aqalka kongareeska miisaaniyaddaasi ansaxin.

Muranka ku salaysan dalabkii hore ee Donald Trump iyo murankii ka dhashay ayaa hakad geliyay howlihii waaxaha kala duwan ee  Dowladda Maraykanka, taas oo dib u dhac ku keentay bixinta Musharaadkii ay qaadan jireen in ka badan 800,000 Qof.

Afhayeenka Aqalka cad ee Maraykanka , Nancy Pelosi ayaa sheegtay in haddii Trump uu ku dhawaaqo xaalad deg-deg ah, Xisbiga Dimoqraaddigu ay dhici karto in ay qaadaan tallaabo sharci ah oo ay ku hor istaagaan dalabka Madaxweynaha.

Barqanimada Maanta oo Jimca ah ayaa laga war sugayaa hadal ku saabsan xudduudda oo uu Madaxweyne Trump, ka jeedin doono, Rose Garden, sida lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka cad ee Dalka Maraykanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso