Hargab 56 Qof ku dilay Dalka Giriigga


Ugu yaraan 56 Qof ayaa Saddexdii Bil ee lasoo dhaafay ku geeriyootay Dalka Giriigga, markii uu halkaasi ka dillaacay Hargabka loo yaqaan H1N1, sida ay Maanta oo Jimca ah sheegtay hay’adda ka hortagga iyo xakamaynta Cudarrada ee Dalkaasi.

Xarunta ka hortagga iyo Xakamaynta Cudurrada ee Dalka Giriigga ee (KEELPNO) ayaa sheegtay in tirada kiisaska Hargabka ay si wayn kor ugu kacday Maalmahii ugu dambeeyay, iyadoo xustay in Todobaadkan oo keliya ay u dhinteen 18 Qof.

Hay’adda ayaa Dadka ugu baaqday in ay is tallaalaan, ka hor inta aysan la kulmin xumadda H1N1 una yaraato saamaynta Hargabka, waxanay ugu baaqday Shacabka inaanay Guryahooda ka bixin marka ay dareemaan calaamadahiisa oo ah qandho, qufac iyo Dhuun xanuun.

Feyruska dhaliya Hargabkan ee H1N1 ayaa la sheegayaa inuu si xowli ah ku socdo, iyadoo ay hay’adduna si weyn ugu walaacsan tahay Dadka da’da ah oo u badan Dadka uu soo ridanayo marka loo eego Bulshada inteeda kale

Advertisement

Ku Xayeysiiso