QM iyo Ethiopia oo ka wada hadlay xoojinta xuquuqul Insaanka

Madaxa hay’adda xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay , Michelle Bachelet, ayaa sheegtay in Xafiiskeeda uu Dowladda Itoobiya ka caawin doono caqabadaha ka haysta xuquul Insaanka.

Mss: Bachelet, oo  Magaalada Addiis ababa kula kulantay, Madaxweynaha Dalka Itoobiya , Sahle-Work Zewde, ayaa sheegtay in ay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo dhiirri gelin lahaa is-beddelada iyo fursadaha ka jira Dalkaasi.

Michelle Bachelet, ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku hanweyntay hirgelinta waxyaabihii ay ka wada hadleen iyada iyo Madaxweyne, , Sahle-Work  Zewde, maaddaama uu golaha Wasiirrada ee Dalkaasi yahay kala badh  Dumar, kaas oo ah Dalka koobaad  ee muhiimadda siiya Haweenka marka la eego  Qaaradda Afrika.

Horraantii 2018-kii, markii la la doortay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, waxaa Dalka Itoobiya xilal kala duwan oo ay ku jiraan kuwo muhiim ah loo dhiibay Haween , waxaana kala badh golaha wasiirrada laga dhigay Dumar, iyadoo sidoo kale ay Madaxweyne ka noqotay , Sahle-Work Zewde, taas oo keentay in lala dagaallamo musuqa, lana yareeyo tacaddiyada ka dhanka xuquuqul Insaanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso