Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Kulmiye Allaa Wata (Qaybtii 58aad) Qore : Maxamed Xoosh

Waxa Laga Sheekeeyaa Sanadkii 1999 Ayay Dawlada Faransiisku Bilawday Mashruuc Sir Ah Oo Lagu Samaynaayo Diyaarad Dheeraysa Oo Aanu Radar-Ku Qaban , Waxay Tijaabadii U Horeysay Kaga Talawday Bada-Cad Waxay Soo Jiidhay Xadadka Dalka Libnaan Iyo Suuriya Oo Dhan Hadana Boqrtooyada Urdun Iyo Weliba Masar Iyo Xadka Jamhuuriyada Yemen Ugu Danbayntii Waxay Soo Cago Dhigatay Jaziirada Reunion Ee Badweynta Hindiya Ku Leedahay Dawlada Faransiisku.

 

Dawladihii Lasoo Dulmaray Oo Dhan Lagama Ogaan Oo Radar Keliya Muu Qaban Waxay Maqleen Codka Guuxa Diyaarada Dul Martay , Dawladihii Dhani Wey Aamusineen Si Aan Loo Ceebayn Ciidamadooda Iyo Haybadoodu Hoos Ugu Dhicin

Faransiiskii Oo Doonaysa Inay Dabaal Deg Weyn U Sameeyaan Guushaa , Waxaa Soo Hadlay Safiirka Faransiiska U Fadhiya Dalka Yemen Wuxuu U Sheegay In Uu Ka Helay Waraaq Cabasho Ah Yemen In Faransiisku Ku Xadgudbay Hawada Dalkooda !

 

 

Saraakiishii Iyo Culumadii Faransiiska Waxa Isku Raacay Yaab Iyo Niyadjab Waayo Waxay Isweydiiyeen Sidee Yemen Oo Aan Lagu Xisaabtamin U Heshaa Tiknoloojiyadaa ?

Waxa Shakiday Dawladii Faransiiska Iyadoo Is Leh Dawladaha Waaweyn Ayaa Raadaaro Ku Rakibtay Yemen , Sirdoonkii Ayaa La Amray In Dayax-Gacmeedyo Lagu Baadho Yemen Oo Dhan Wax Radar Ah Waa La Waayay

 

Aroortii Danbe Ayuu Faransiisku Isla Weynidiisii Ka Soo Daadagay Waxay Ugu Deeqday Dalka Yemen Jeeg Lacag Ah Oo Ah Hal Milyaar Oo Dollar (1 Billion Usd) Waxa Xaga Danbe Kaga Qornaa Waxaanu Si Xushmad Leh Idinkaga Codsanayaa Inaad Noo Sheegtaan Nooca Radar-Ka Soo Helay Diyaaradii Cusbayd Ee Aanu Lahayn

 

Jawaabtu Dawalda Yemen Waxay Ahayd Radar Iyo Waxba Ma Haysano Ee Markii Guuxa Diyaarada Aanu Maqalay Ayaanu Si Deg Deg Ah Safaaradaha Ajaanibka Oo Dhan Ee Yemen Degan Aanu Waraaqo Cabasho Ah U Dirnay , Faransiiska Mooyaane Safaaradihii Kale Oo Dhami Waxay Ku Soo Jawaabeen Anagu Diyaaradaa Maanu Lahayn !!!

 

Diinteenu Wey Kala Saartay

(والتواكل التوكل)

 

Mid Waa Tawakul Waa Alle Talo Saaro Oo Shaqee , Midna Waa Tawaakul Waa Alle Talo Saaro Oo Seexo Iyadaa Is Tagi Iska Daa , Kaadirka Xisbiga Kulmiye Waxa Ka Muuqda Ficiltan Iyo Is Garabyaac Iyo Waliba Anigoon Arag Kawaadir Si Cilmiya U Sharxa Barnaamijka Xisbiga Mabaadida Iyo Aragtiyaha Uu Ku Qotomo Dastuurka Xisbigu ……

 

Tawaakul Iyo Iyadaa Is Tagi Xisbi Qaran Oo Waliba Xisbul Xaakim Ah Laguma Wado !

 

Xisbiyada Aduunka Kaadir Xisbiyahan Ah Ayaa La Horaysiiyaa Oo Maskaxdu U Buuxdo Nimankan Maqaaxiyaha Fadhiyee Ciyaalo Xaafadka Ah Dee Ololayaashaa Loo Baahan Yahay Iyo Marka Taageeryaal La Kasbanaayo.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso