Garabkii Jamaal Cali Xuseen Oo Gacmo Madhan Ka Taaggan Shirka KULMIYE

Garabkii new UCID ee uu hoggaamiyaha u ahaa Jamaal Cali Xuseen ee la midoobay Xisbiga KULMIYE Sanadkii 2017kii, ayaa sheegay in aan Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE xataa goob joogeyaal looga ogolaan.
Siyaasi Cali Guray oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE isla markaana ka mid ahaa garabkii Xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen kula biiray KULMIYE, ayaa in xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba ay faro madhan ka joogaan.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo qoraal arrintaasi ku faafiyey Bogga Facbuuga uu ku leeyahay ayaa yidhi “Umaddii dhamayd ee New UCID saw kuwii Kulmiyoobay ee heshiiska la galay KULMIYE aniguna aan taageeraha Kulmiye noqday. Maanta xaalkoodu ma uf baa la idin yidhi baa? waxan maqlayay xataa goobjooge loogama ogolaanin madasha Kulmiye eh qof shaqo ka helay xukuumadda Kulmiye-na waxaan ogahay hal qof oo keliya. Qaar baa aniga ila soo xidhiidha oo marka waxaan ugu jawaabo garan waayo ku idhaa INSHA ALLAH KHAYR.”

Dhanka kale Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay inay saddex-da Xisbi Qaran ay yihiin qaar isku mid ah oo aan wax-ba Is dhaamin “Dad baa u haysta xisbiyadu inay yihiin sadex laakiin maaha waa guri keliya oo sadex qol ah. Qolkii aad ka joogtaba saw gurigii uun maaha’?.

Jamaal Cali Xuseen ayaa bilawgiiba ka maqnaa caleemo saarkii madaxweyne Biixi oo uu sheegay in aan garabkiisii la maamuusin lana siin kaadhadhka xafladda sidaasna hal kaadh oo la siiyay uu ku diiday waxaanu hadda u muuqda mid aan la dhacsanayn sida wax u socdaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso