Shiinaha oo laga dalbay in uu xiro xarumaha lagu hayo muslimiinta

Turkiga ayaa cambaareeyay hanjabadda iyo cabsida Shiinuhu ku hayo dadka muslimiinta ah ee qabiilka Wiguuru (Uighur), taas oo la tilmaamay in ay  ceeb ku tahay xagga bini aadanimada.

Hadal uu maalinimadii shalay baahiyay Afhayeen u hadlay Wasaaaradda  Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga oo lagu magacaabo Hami Aksoy ayaa lagu sheegay in si aan sharci aheyn xerooyin gaar ah loogu hayo dad ka badan Milyan.

Madaxda Turkiga waxa ay  ku baaqeen in Shiinaha ay joojiyaan jidhdilka iyo xasuuqa dadka muslimiinta ah, isla markaana xidhaan xerooyinka lagu hayo dadka laga tiro badan yahay ee Wiguuru.

Muslimiinta Wiguuru waxaa la tilmaamay in ay soo wajaheen ama ay heystaan cadaadis la mid ah  kan ka jira Galbeedka dalka Shinaha.

Madaxweynaha dalka Turkiga  Recep Tayyip Erdogan ayaa goor hore ku eedeeyay Shiinaha in ay dadka Wiguuru ku hayaan xasuuq, inkasta oo uu weli jiro xidhiidh ka dhexeeya labadaasi dal oo khuseeya shaqaalaha iyo xagga siyaasadda.

Gobolka Xinjiang waxa uu hoy u yahay dad gaadhaya 10-milyan oo muslimiin ah, kuwaas oo ka dhigan 45% dadka halkaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso