Muxaafid guulwade ah ma ihi, mucaarad ciilqabe ahna ma noqon karo.

Hawlkasta oo la qabanayo haddii aan ujeeddo fiican qabashadeeda laga lahayn, isla markaana aan habraac hufan loo marin waxa ay u badantahay in aan guul waxtar leh laga gaadhin.

Tusaale ahaan Soomaali waxa u dhisan dawlado, kuwo ay gaar u leeyihiin iyo kuwo lala leeyahayba, dhammaan xukuumadaha maamulka haya shacabkooda inta mucaaridka ah ayaa ka badan inta muxaafidka ah.
Sida ay doonaanba ha u kala badnaadeene labadooduba sida ay u dhaqmaan ma aha mid wax dhisaysa, ee waa mucaarid ku jiqsii ah iyo muxaafid ka ilaasho ah.
Taa macnaheedu waxa weeyey dadku waxa ka dhexeeya uma arkaan wax ay wadayeelan karaan, waxa ay u arkaan harag sagaaro oo aanay ku wada fadhiisan karin, kuna kaltami karin, arrinkoodu waa win or lose ma aha win win.

Tusaale ahaan mucaaridka xukuumadda Farmaajo habraaciisu waa dumin, sababta mucaaradaduna sida ay u badantahay, qiyaastii 80% waa qabyaalad iyo danaysi gaar ah.

Sidaa si la mid ah mucaaradka xukuumadda Muuse Biixi marka aad aragto habraaca mucaaradadiisa waa loollan dan xisbiyeed iyo qabyaalad, sidoo kale muxaafidku waa mid ka macangagsan mucaaradka oo guulwadayntu ka tan badatay, gar iyo gardarana in aanu waxba maqal go’aansaday.
Caqliga saliimka ahi waxa uu ku tusayaa haddaad kursi ku fadhido in aanad ninka boodhka fadhiya buska kula legdamin ee aad adigu dejinta xaaladda iyo tanaasulka badiso si aanad kursiga uga dhicin oo boodhka ula galgalan, taasi se ma muuqato !

Talo bulsho:
Muslimku mucaarad ma yaqaanno ee muslix nasteexaynaya ayuu yaqaannaa, taasna hadafkeedu waa wax toosin ee ma aha ka ridasho iyo daneysi gaar ah.
Dabeecadda muslixu ma aha faadhfaadhka ceebaha iyo ka faa’iidaysiga khaladaadka ee waa u istaagidda toosinta waxa tasoobay, taasna saddex jid oo kala horreeya kalana mudan ayaa loo maraa:
1) Naseexada qarsoon iyo toosinta asturan ee edebsan.
2) Timaamidda guud ee aan ceebaynta tooska ah wadannina (فما بال أقوام يفعلون كذا وكذاا)
“Maxay u jeedaan ragga waxaa iyo waxaa sameynayaa” Sidaas ayuu Raduulku -SCW- odhan jiray, ragga uu u jeedaa waa kuwo hoos fadhiya oo warkiisa maqlaya.
3) Labadaa hore marka ay waxba anfici waayaan ee laga quusto, ayaa loo gudbi karaa marxaladda muwaajahada tooska ah, waase in xaalad kasta la qiimeeyo oo la is barbardhigo maslaxadda iyo mafsadada, in aan wax dhaliilo oo dhaleeceeyo dhibtu ma ku dhammaanaysaa mise dhiillo hor leh ayey dhalaysaa, adigudhaliisha maxaad uga danleedahay ma toosinbaa, ma toocsibaa mise waaba ciilbax (Naftaada adiga iyo Alle uun baa og- بل الانسان على نفسه بصيرة).
Aad baan shakhsiyan u saluugsanahay habdhaqanka labada maamul ee aan tusaalaha u soo qaatay, sida ay wax u wadaan ee loogu shaqaysanayo, codadka ka soo horjedaana uma muuqdaan kuwo maslaxad wadaag ah ilaalinteed ka tarjumaya.

In aan mucaarad miiggan noqon waayey dad badan baa igu dhaliilay, in aan waxtoosin awgeed wax u dhaliilayna muxaafid badan baa igula colloobay, waxbaa se i hagaya oo aan is leeyahay dhaqan geli.

Had iyo jeer aynnu ku dadaallo in aynnu habdhaqankeenna islaamiyeynno, taa macnaheedu waxa weeye MUSLIX noqo oo muxaafidnimadaaddu wax wanaajin ha noqoto, mucaari iskaga magacownow oo mid wax dhisaya noqo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso