Muuse Biixi Iyo Talada Dalka MUUSE MA SIYAASIBAA ? (Qaybtii 56aad) By: Maxamed Xoosh

Mar Muuse Biixi Sharxaayay Salaanka Siyaasada Halkuu Kasoo Koray Wuxu Yidhi

Waxaan Soo Maray Ciidan Oo Lagu Barto “Hogaanka Iyo Istaraatiijiyada”
,  Guurtida Ilaa Balligubadle Ilaa Golahan Jooga  “Heshiisiin Iyo
Nabadayn” ,  1991 Madaxweyne Tuur Iyo Cigaal Ilaa Siilaanyo Oo Aan Ka
Ag Dhawaa “Siyaasad Iyo Tab Iyo Xeelad Iyo Afkaar La Dabaqaayo” ,
Waxa u Raaca Isagoo Ah Nin Dawladeed “Statesman” Iyo Markii Xisbiyada
La Furay  Qaatay Dimuraadiyadda Xisbiyada Badan  Ku Tartamayaan

Mudo Laga Joogo Ku Dhawaad 15 Sano Waxa Damcay Inuu Siyaasada Soo Galo
Nin Aqoonyahan Dibadjoog ah Weliba Si Fiican Wax U Bartay Oo Rer
Hargeysa Ah 500 Oo Dhalinyar Ah Ayuu u Sheegtay Hankiisa Laba
Saacadood Ayuu Ka Sheekaynayay Horumar Iyo Wax La Saxo…….
Dhalinyarta Dhagahoodu Waxay Doonayeen Inay Maqlaan Kamay Helin !!!

Dhalinyartii Dhawr Jeer Oo Muuse La Kulmeen Markuu Hadlaayay 15 mirir
Wuu Hantiyay Waayo Waa Nin Maqashiiyay Waxay Doonayeen

Marka Ay Halkaa Marayso Sidee Loola Xisaabtami Karaa Siyaasiga Aynu Dooranay ?
Muwaadin Si Loola Xisaabtamo Xukuumada Waa Inaad Barnaamijka Kulmiye
Kusoo Galay Ololaha Fahamsantahay “Falsafada Siyaasadda” Waa Si Aad
JIHADA KULMIYE U Fahamtid !!!

Hadii Kale Sida Nimankan Waaweyn Ee Aqoonyahanka Ah Ayaad Ku Celcelin
Waxbaa La Cunay “Materialist” , Marka Siyaasada La Hadlaayo Cunidu Waa
Halka Ugu Fudud  Balse Waa Qof Iyo Maankii

Waxaan Arkay Nin Siyaasi Ah Oo Markii Qaraabadiisa La Xidhay Yidhi
Cadaalad Iyo Garsoor Ma Jiro “Siyaasi Jaahil Ah”  Waayo Marka
Muwaadinka Kale La Xidho Waxba Kama Gelin

Waxaan Arkay Oday Dhaqameed Iyo Siyaasi Ka Xanaaqsan Maxaa Loo
Xidhayaa Dhalinyar Qaranimada Ku Gefay Waxay Haystaan Bilayska
“Dalkeena Laga Helaa”

Waxa Jira Urur Diimeed (Caalamiya) Oo Ah Dawlad Ka Hoos Dhisan
Jamhuuriyada Somaliland Weliba Doonaaya In Siyaasada Ka Qayb Qaataan
Keliya Ka Talinaya Dantooda Gaarka Ah

Waa Qasab In La Soo Maraa Xisbiyo Ku Dheefa Kala Qaybinta Bulshada Oo
Waa Sunaha Siyaasada Iyo Inta Dadku Is Ogolaanayo , La Isku Raacaayo
Aragti , Qofka Kaa Duwan Aan La Fogaynayn Is Qancis Iyo Dood Dhex
Marayaan Dadka , Laga Guuraayo Shakhsi Iyo Qabiil loo Guuraayo Aragti
Iyo Mabdaadi Iyo Afkaar Nool Oo La Jaanqaadi Karta Waaqica Nololeed

Bilaahi Tawfiiq

Advertisement

Ku Xayeysiiso