Khilaaf Ka Dhex Istaadhmay Masuuliyiinta Sare Ee Wasaaradda Biyaha Somaliland, Wasiirka Oo Warqad Shaqoojin Ah U Qoray Agaasimaha Guud Iyo Utunta Khilaafkoodu Halka Uu Ka Istaadhmay.

“Gudaha Ka Akhri Arimo Xasaasi Ah Oo Ay Labadan Masuul Si Weyn Iskugu Khilaafeen, Islamarkaana Abuuray Khilaafkan Gaadhay Inay Warqad Dacwad Ah Iska Gudbiyaan.

Khilaaf Culus ayaa ka dhex istaadhmay Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Mudane Jamaal Cabdi Muuse kaasi oo gaadhay inuu mid waliba dhinaciisa warqad dacwad ah u gudbiyo dhinaca Madaxtooyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa maanta Soo saaray warqad uu ku sheegay inuu Shaqadii ka hakiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Huromarinta Biyaha  Somaliland Jamaal Cabdi Muuse, Taasi  oo keentay inuu isna Dhinaciisa Agaasimaha guud warqad Dacwad ah u gudbiyo dhinaca Madaxtooyad Somaliland. Arimaha sida wayn u gilgilay Shalay Wasaaradda ee aadka uga yaabiyay Shaqaale weynaha Wasaaradda Biyaha ayaa wax ka mid ahaa in Wasiirku sidoo kale warqad qoraal ah u kala diray dhamaan Hay’addaha la shaqeeya Wasaaradda arintaasi oo khilaafka labada masuul cirka ku shareertay.

 

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Warbaahintu heshay ayaa iftiimisay Jihooyinka uu khilaafka labadan masuul ka abuurmay, waxaana la sheegay inay arimaha sida gaarka iskugu hayaan ay ka mid yihiin kuwan:

Khilaafku wuxuu ka taagan yahay:

  1. Cilmi Baadhis Dhinaca Dhaamamka Biyo xidheenadda ah (Study dams) oo ay samaysay shirkadda NIRAS oo qandaraaska ka heshay African Development Bank ayaa ogaatay in labada dhaam(Biyo Xidheeno) ee ugu waawayn dalka Somaliland laga sameyn karo Ceelbardaale iyo Woqooyiga Borama. Waxana ku baxaya lacag boqolaal milyan ah.
  2. Qorshe istaraatijadda dhinaca biyaha (Water Strategy plan) oo lagu qorayo lacag ka badan 80,000$. UNICEF baa maalgalinaysa. Balse dayn ahaan looga sii qaadanayo shirkadda Caalami constructions, taasi oo khilaaf ka dhex abuurtay. Agaasimuhu sida la sheegay waxa uu ku dooday in lacagtaa lagu shubo account ka wasaaradda halka wasiirku jeclaystay in lacagta aan lagu shubin account oo gacanta lagu hayo ama qaab ka baxsan nidaamkii shaqada lagu maamulo.
  3. Awood isticmaal saayid ah oo dhammaan saxeexyadii wasaaradda uu la wareegay wasiirku.
  4. Sidoo kale Xad gudub awoodeed oo uu dhawr jeer shaqadda kaga joojiyay agaasime madaxweyne soo magacaabay, sida ay sheegeen shaqaaluhu. Halka uu u magacaabay agaasime cusub oo jeebkiisa ah.
  5. sidoo kale waxa la sheegay inay labadan masuul si weyn sidoo kale iskugu khilaafeen dhinaca dheelitirka mashaariicda wasaaradda. Wasiirku waxa uu aad u daneeyaa in Mashaariicda lagu badiyo Bariga halka uu Agaasimuhuna ku dooday in Qaab Cilmiyaysan loo maareeyo.

Dhaqanka noocan oo kale ah ayaa hore uga dhacay wasaaradda xiligii uu wasiirka ka ahaa Baashe iyo agasime Abdirisaaq.

Sikastaba ha noqotee, Agaasimaha guud ayaa la sheegay inuu jawaab adag ka bixiyay shaqo ka joojintan uuna ku tilmaamay mid sharci daro ah oo aan dhag jalaq u siin doonin shaqadiisana uu sii wadan doono.

Foore

Advertisement

Ku Xayeysiiso