Hadraawi uma haboonayn booqashada Madaxweyne Muuse Biixi, mar hadii ay ka muuqato calaamadihii mabaadii’dii uu ka soo horjeedijiray wakhtiga dheer.

Abwaan Hadraawi waa hal abuur iyo halgamaa geyiga Soomaalida meel aad u saraysa kaga jira, waa dhaqan yaqaa ilaahay hibo u siiyay xikmada hadalka iyo hawraarta oo hodon ku ah Af Soonaaliga. Hadraawi waa aqoonyahan fiilasuuf ah oo ay dadka Soomaalidu aad u dhegaystaan ugana haybadaystaan, kaas oo caan ku ahaa illaalinta edeebta iyo qiyamka bulshada, caadana ay tahay is dhuldhigu.
Wuxuu hadal iyo hawraarba ku muujiyay halgankankiisii dheeraa ee xoriyada hadalka iyo hal abuurkii uu qaybta weyn ka ahaa ee jahaynta himilada umada Soomaalida iyo sixitaanka hanaanka dawladnimada, isagoo mudo dheer ka soo horjeeday nidaamka keligii talisnimada oo ay madaxdii soo martay Soomaalida maryo dhiig leh ku soo kala furteen isagoo mudo 5 sanadood ka badana jeelka ugu jiray rayigiisa in lagu ciqaabo oo uu kala kulmay dhibaatooyin badan Madaxweynihii keli-taliska ahaa ee Janaral Maxamed Siyaad Barre.
Hadaba aniga oo xurmaynaya hadalka Maxamed Baashe X Xasan iyo inta la qabta in ay haboonayd in Madaxweyne Muuse Maamuus ahaan usoo booqdo, waxaan leeyahay : malaha Ilaah baa kala qariyay oo uma haboonayn Hadraawi booqashada Muuse Biixi isaga oo ay jeelasha ugu jiraan hal-abuur iyo abwaano aan waxba galabsan oo u ciqaaban ra’yigooda ama hogaamiye kasta oo kasoo horjeeda wixii uu aaminsanaa Hadraawi  ee uu la gaboobay ee la gabaxyidhi.
Maxamed Baashe oo Hadraawi aniga iga badsaday, lasoo rafiiqay, dhaxalkii murtidiisana tacab badan geliyay wuu ogyahay damiirka wanaagsan ee Hadraawiye wuxuu uga jeedaa niyad samaan iyo in uu muujiyo in Muuse gabay haldoorkii umadan halbeega la maamuuso u ahaa. Dadka qaar aan ka mid ahayna waxay qabaan in booqasha Muuse Hadraawi hoos u dhigi lahayd
Ibraahin Cabdi Maxamed

Advertisement

Ku Xayeysiiso