Siddan sahlan ku garo Dajjaal-cawar markuu soo baxo, Qaybta 1aad.


                      بِسْمِ اللهِ الرَّحْمٰنِ الرَّحِيْمِ

Sidda diinteena suubani dhigayso dabayaaqada aduunyadan Waxa soo bixi doona  Nin layidhaa Dajjaal-cawar :

( المسيح الدجّال‎) : Al-Masīḥ ad-Dajjāl, “masiixigii beenta ahaa’’ Ninkaas oo been u sheegi doona dadka oo wanjali doona dad badan.

Dajjaal-cawar wuxuu sheegaan doonaa illaah dadkana wuxuu ku duufsan doonaa indho sarcaad mucjisooyin ah sida dhul abaar ah oo uu naq ka dhigi doono, dad dhintay oo uu soo kicoyo iyo wax uu ku sheegaayo inay Jano iyo Cadaab yihiin oo uu samaysanaayo.

Dajjaal-cawar waa nin dhalinyaro ah oo gaaban midabkiisu waa casaan timo cufan oo marmaran leh waa nin waji balaadhan oo Isha midig la’, waa ma dhalays aan waxba dhali doonin.

Dajjaal-cawar wuxuu dunida guudkeeda ku sugnaan doonaa oo uu wanjalaad iyo fidmo ka wadi doonaa mudo 40 maalmood ah, maalmahaa Waxa ku jira maalin sanad u dhiganta, maalin Bil u dhiganta iyo maalin asbuuc u dhiganta maalmaha kale waa maalmaha caadiga ah oo kale.

Dajjaal-cawar kuma xusna quraanka se xadiisyo ayaa kusoo arooray,

Sida aynu ogsoonahay diinteena suubani waxay ka kooban tahay kitaabka quraanka ah oo qowlkii Ilaahay ah SW iyo sunihii rasuulka csw oo ah wuxuu nabigeenii yidhi ee laga soo weriyey iyo wuxuu fali jiray.

Ilaaheena Weyn ee waaxidka ahi kumuu xusin quraanka Dajjaal, inkastoo eebe SW uu ka afeef dhigtay in aan qowlkiisa lawada qori karin sida ku cad 31:27 suurada 31 aayada 27 (hadii dhirta aduunka kutaal qalimaan laga dhigo badana khad oo 7ba badood lakeeno weedhaha Ilaahay madhameeyeen) sidoo kale 18:109 (dheh hadii bada khad looga dhigo odhaahda Ilaahay badu wey dhamaan odhaahda Ilaahay oo go’in, hadii lasoo dhaamiyo oo dhaamiyo baduunbaa go’i).

Hadaba iyada oo weedhaha eebaheen SW cidi qori karin ayuu Guule sodan jis oo ah 114 suuradood uu Eebe war, hogo-tusaale, dhacdo, qisooyin, digniin, waano iyo wax sheeg inoogu dhameeyey si cad oo faahfaahsan, iyo weliba hagid iyo hanuunin cidii Ilaahay iyo nabigiisa rumaysa sida ku cad 2:2 – 2:3 quraanka kariinka ah.

Hadaba ruuxii quraanka fahma iyo sunaha nabiga csw ee Ilaahay SW ku xidhani Dajjaal-cawar  wuu ku qoslidoona.!! Oo wuxuu ku odhan Dajjaal-cawar beenaale!!!

Waayo………. Lasoco Qabta 2aad.

Ilaahow Toobada nagu dil

Oo nagu hanuuni aamiin.

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso