“Halbeegga wax qabad ee dawlada Soomaaliya lagu qiimaynayo waa hawlqabadkeeda dhinaca Amniga iyo siyaasada oo lafdhabar u ah hawlaha kale” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ahna Hogaamiyaha Ururka Wadajir ayaa qodobo dhawr ah ku sheegay Halbeega waxqabad ee looga baahan yahay Xukuumadda Farmaajo qiimeynteedana u dhaafay Shacbiga.

Qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaga hadlaayo arrimahan ayuu ku yidhi sidatan:-

Halbeegga wax qabad ee dawlada Soomaaliya lagu qiimaynayo waa hawlqabadkeeda dhinaca Amniga iyo siyaasada oo lafdhabar u ah hawlaha kale.

1- Horumar dhinaca Amniha ah waa in dawlada si buuxda amniga dalka gacanta ugu dhigto. Halbeeggu waa

A Masuuuliyada amni ee dalka oo AMISOM lagala wareegto, si loo helo madaxbannaani buuxda.
B- Dismaha ciidan qaran oo waajibkaas guta
C- Alshabaab oo laga guulaysto dagaal iyo nabadba.

2- Horumar dhinaca siyaasada waa in dalka ku meelgaarka laga saaro oo madaxbannaani buuxda gaaro. Halbeeggu waa

A Dastuurka oo la dhamaystiro,
B- Doorasho qof iyo cod ah oo la qabto
C- Xiriirka wadashaqayn ee Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada oo xoogaysta
D- Horumar laga gaaro wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland

Halbeegu waa kaas, qiimaynta dadwaynaha ayaa u dhaafay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso