Dib U Milicso Dayntii Siilaanyo Kala Wareegay Rayaale Oo Ay Ka Badan Tahay Daynta Biixi Kala Wareegay Siilaanyo

Xukuumaddii Kulmiye ee sanadkii 2010 talada dalka kala wareegtay xukuumaddii UDUB ayaa fagaareyaasha ka sheegi jirtay in ay qasnad madhan iyo dayn kala wareegtay xukuumaddii Daahir Rayaale laakiin, sanad kadib xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Biixi hoggaamiyo waxa si lama filaan ah uga qaraxday xaddiga daynta ay kala wareegtay xukuumaddii Kulmiye ee Axmed Siilaanyo. Waa dayn ka badan tii Siilaanyo kala wareegay Rayaale.

Marka la isla akhriyo dooddii wasiirkii hore ee maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo warbixin uu wasiirkii maaliyadda ee xilka kala wareegay xukuumaddii Riyaale Eng Maxamed Xaashi Cilmi qoray 2012 waxa muuqata in aanay lacagta la isku wareejiyay ahayn dayn rasmi ah oo dawladdu qaadatay laakiin, ay u badan tahay lacago dad laga qaatay oo aan nidaamka saxda ah marin ee dawladdu wax u daynsato.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo sanadkii 2012 difaacaya miisaaniyaddiisii oo wasiirkii xilka kala wareegay ee Cabdicasiis Samaale naqdiyay naqdiyay ayaa sheegay in xukuumaddii Rayaale aanay wax dayn ah ka tagin laakiin, ay ka tagtay lacag todobaatan milyan ah oo siyaabo kale loo lunsaday. Lacagtaas waxay ka yar tahay lacagta 80-ka Milyan ee dollar ah ee xukuumaddii Siilaanyo ku wareejisay tan Madaxweyne Biixi.

Dib u milicso qoraalkii Eng Maxamed Xaashi ee 2012

“Wargeyska Jamhuuriya, Vol.19 cadadka 4951 ee Axad, 21 October 2012 ayaa qoray hadal uu ka soo xigtay Wasiirka Maaliyadda oo ahaa; ‘Miisaaniyaddu 2012 waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’

Waxa jira 10 milyan oo dollar lacag gaadhaysa oo lagu qoray deeq amma deyn. Hadday tahay deyn miisaaniyadda ma galayo, hadday deeq tahayna, waayo ma jirto deeq toos la inoo siiyaa oo hay’aduhu waxay bixiyaan iyagaa toos u maamula.

Waa laga yaabaa wixii wanaag ah ee dhaca in hoggaanka dalku qaybta ugu weyn yeesho, guul-darradana la wada yeesho ilaa hoggaanka u sarreeya.

Haddii aan wax ka idhaa saddexdan arrimood ee Wasiirka Maaliyaddu ka hadlay; Miisaaniyadda 2012 ee aan wasiirka ku wareejiyey waxay ahayd odoros (Estimate). Odorosku wuu noqon karaa intii la qiyaasay. Wuu ka yaraan karaa, wuuna ka badan karaa. Waxaan meesha qaban, ‘Miisaaniyaddu waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’

Kalmadda buun-buunin waxay xambaarsan tahay khalad loola kacay, mid meesha qabatana ma aha. Wasiirku dhinaca kale wuxuu qirayaa in la gaadhi karo odoraska miisaaniyadda 2012 ee $106 milyan ah, aniguna waan qabaa sidaa.

Qodobka kale ee 10 milyan oo dollar miisaaniyadda way ku geli karaan deeq amma deyn. Deeqda dalka Jamhuuriyadda Somaliland lagu caawiyo waa inay ka muuqataa miisaaniyadda qaranka, deyntuna waa inay iyana ka muuqataa miisaaniyadda oo labadaba lagu qoraa, miisaaniyadiihi horena way ku jiraan. Mucaawanada la ina siiyaa waa deeq dalka soo gashay, haddii aan deyn qaadanno amma baanka ka qaadanno amma tijaarteenna aan ka qaadannee waa inay galaan miisaaniyadda.

Sidii horeba loo yidhi, xilku waa meerto, balse qof walba wuxuu ku suntan yahay, wixii uu qabto iyo waqtiga uu qabto.

Haddii aan wax ka taabto amma is-barbardhigo; xaaladdii aan anigu kagala waareegay wasiirkii iga horreeyey iyo xaaladdii aan ku wareejiyay, wax badan baa u dhexeeya. Waxaan qabaa in wasiir Cabdicasiis iga nasiib wanaagsanaa.

XAALADDDII AAN DHAXLAY: Guddidii loo saaray ee ka koobnayd; Hantidhawrka, Golaha Wakiilada iyo Wasaaradda Maaliyadda, waxay baadhitaankii ka soo bilowday 2002 ilaa July 2010.

Markay kala jareen dakhligii dhabta ahaa iyo kharashkii dhabta ahaa. Waxa dheeri soo hadhay Sl/Sh. 322.7 bilyan ($53.7 milyan). Markaa waxay guddidaasi caddeeyeen in aanay wax deyn la yidhaa jirin. Waxase jiray lacag maamulkii Rayaale lunsaday oo gaadhaysay $70,295,820 doollar iyo hanti ma-guurta ah oo la lunsaday. Waxay noqotay in aannu bixinno deyntii ay dadweynaha ka qaateen, mushaharooyinkii dhowrka bilood taagnaa ee shaqaalaha iyo ciidammada iyo raashinkii, ciidammada, cusbitaallada iyo jeelasha, nidaam dhisan oo aan la wareegayna ma jirin.
Waaberi

Advertisement

Ku Xayeysiiso