Shinbirta Xisbiga Waddanni labada Baal ee ay ku duushay mid ka midi waa Ibrahim Buuba

Shinbirta Xisbiga Waddanni labada Baal ee ay ku duushay mid ka midi waa Ibrahim Buuba.
Hubaal weeye in uu ka mid ahaa aassasayaashii Urur Siyaasadeedkii Waddani isago kamid ahaa xubnaha tirade yar ee ku wacad maray in ka gaadhsiiyaan Xisbi Qaran, ka Midho dhalintaa ay ku xaqiijiyiin in ay WADDANI ka dhigaan xisbi qaran waa guul siyaasadeed oo ay gaadheed shakhsiyaadka tirrada yaraa ee u dhaqaaqi waayay duufaantii siyaasadeed ee luxday qalbiyo badan oo ka mid ahaa siyaasiyiintii wadani hore uga mid ahaan jirtay,
Barratankii Hogaanka dalkana gaadhsiiyay xisbiga waddani meel saamaynteeda leh, hal adayga tudhaalaha siyaasadeed leh ee Xildhibaan Buubaa waxa laga dheehan karaa guusha mabdi’iisa Siyaasadeed, iyo dheeli tiranka uu ku sameeyay aragtidiisa mucaaradnimo iyo shaqada tan qaranka u hayo ee xildhibaanimo ee uu bulshada uhayo, waana talaabo lagaga dayan karro,
Bisaylka siyaasadeed iyo waayo aragnimada Hogaamiye ee uu leeyahay waa mid marag madoon ah waxana cadayn u ah sida uu uga fal celiyay go’aankii uu Gud- Cirro xilkii afhayeenimo ee xisbiga kaga qaaday isagoo xisbiga abaalka intaa leeg so gashaday,
dadkuna waxay ku tilmaamaan Baalka Bidix ee ku duusho Shinbirta Xisbiga Waddani, isku soo wada duuboo Ibraahim M, Buubaa waa waxan hubaa in uu leeyahay mustaqbal wacan.

Nasir Ali Kabadhe

Advertisement

Ku Xayeysiiso