Duqa Muqdisho oo Agaasimaha Guud ee Midowga Yurub kala hadlay Horumarinta Caasimadda Soomaaliya

 

Muqdisho 06 FEB, 2019– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah iyo horumarinta ee Midowga Yurub Mudane Stefano Manservisi ayaa sheegay in qorshaha Maamulka Gobolka ee sanadkan uu yahay hirgelinta mashaariic lagu horumarinayo Caasimadda iyo sidii xal-waara loogu heli lahaa Barakacayaasha.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey dadaalka ay ugu jiraan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan dib u dhiska Caasimadda iyo kaalin in ay ka qaataan dalalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.

Eng.Yarisow oo uga warbixiyey Stefano horumarka ka socda Gobolka Banaadir iyo Barnaamijka Isxilqaan ee shacabku ay dalkooda dib ugu dhisayaan ayaa la wadaagay qorsheyaal horumarineed oo ay muhiim tahay in ay ku gacansiiyaan Maamulka Gobolka.

Agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah iyo Horumarinta Midowga Yurub oo bartiisa Twitterka qoraalka kooban soo dhigay kulanka kadib, ayaa tilmaamay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay taageerada horumarinta Caasimadda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso