Wasaaradda Maaliyadda Oo Markale Buuq Ka Istaadhmay Iyo Maaamulaha Cashuuraha Barriga Hareysa Oo Ganafka Ku Dhuftay Isku Shaandhayn Uu Sheegay Inaanay Ka Soo Bixin Xafiiska Wasiirka

Waxaa maalmihii u dambeeyay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ka taagnaa Buuq iyo isfaham waa gaadhay in qoraal turxaan leh ay iswaydaarsadaan Maamulayaasha Mid ka mid ah waaxyaha cashuuur Ururinta Wasaaraddaasi, arintaasi oo maashquul galisay Guud ahaan Shaqo maalmeedkii Xafiisyadda Cashuuraha Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Buuqan ayaa ka dhashay sida ka muuqata Qoraal Wargeyska Foore helay oo ku saabsan 33- Sarkaal oo hawlgalayay Xafiisyadda Cashuuraha Berriga Gobolka Maroodi Jeex oo lagu sameeyay isku shaandhayn iyo isku badel shaqo iyo sidoo kale Shaqo ka fadhiisin, Arintaasi oo dhamaan saamaysay, waxaana arintaasi ganafka ku dhuftay Maamulaha Cashuuraha Berriga Maxamed Ducaale Xasan, kaasi oo qoraal uu ku socod siiyay Shaqaalihiisa ku amray inaanay dheg jalaq u siinin Isku shaandhayn uu sheegay inaanay kasoo bixin Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Sacad Cali Shire,waa sida uu qoraalka u dhigaye. Ugu horayn Qoraalka Warqadda isku shaandhaynta ah ee lagu sameeyay 33-ka Sarkaal oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Cabdisalaan Maxamed Maxamuud oo ku taariikhaysnayd 31/01/2019, ayaa  u dhignayd sidan “Laga Bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 31/01/2019, ayaa waxa ay saraakiisha Magacyadoodu hoos ku qoran yihiin loo badelay Goobaha ku hor qoran.

Bashiir Cabdilaahi Maxamuud- Maamulaha Gobolka Maroodi JeexSakariye Cabdi Cali- Maamule Ku Xigeenka Gobolka Maroodi JeexMaxamed Muuse Axmed- Maamulaha Degmada Gacan LibaaxJamaal Aadan Maxamuud- Maamulaha Degmada Ibraahim KoodbuurCabdiqani Ibraahim Maxamuud- Maamulaha Degmada Axmed DhagaxCabdirsiaaq Sheekh Ismaaciil Cabdilaahi- Maamulaha Degmada Maxamuud HaybeMaxamed Xuseen Huriye- Maamulaha Degmada 26-Ka JuunFahad Axmed Xuseen- Maamulaha Beerta XorriyaddaCadnaan Qursheekh Xasan- Maamulaha Xafiiska Gol-JannoFarxaan Xasan Cali- Maamulaha Xafiiska Wasaaradda GaadiidkaHodan Cali Cabdi- Khasnajiga Xafiiska Wasaaradda GaadiidkaCabdiqaadir Muxumed Jaamac- Maamulaha Xafiiska Maxkamadaha Gobolka M/JeexCabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Cabdilaahi- Maamulaha Xafiiska Laanta SocdaalkaHodan Maxamed Xasan- Khasnajiga Xafiiska Laanta SocdaalkaIsmaaciil Aadan Cabdilaahi- Maamulaha Xafiiska GantaalahaIsmaaciil Iidaan Yuusuf- Maamulaha Xafiiska DaloodhoSharmaarke Saleebaan Muuse- Maamulaha Xafiiska TotalAxmed Maxamed Aadan- Maamulaha Xafiiska IdaacaddaMaxamed Axmed Xasan- Maamulaha Xafiiska New HargeysaMaxamed Ducaale Xasan- Xafiiska Cashuuraha Barriga Ee BooramaKhaddar Maxamed Xasan- Xarunta Waaxda Cashuuraha BarrigaMaxamed Quulle Aadan- Xarunta Waaxda Cashuuraha BarrigaCabdiqaadir Maxamed Ibraahim- Maamule Ku Xigeenka Degmada Maxamuud HaybeMustafe Maxamed Ciise- Xarunta Waaxda Cashuuraha BarrigaCabdi Aadan Maxamuud- Xarunta Waaxda Cashuuraha BarrigaMaxamed Cabdilaahi Ismaaciil- Xarunta Degmada 26-Ka JuuneYaasiin Jaamac Axmed- Xafiiska StarCabdirashiid Cabdi Sheekh Muxumed- Xafiiska Degmada Ibraahim KoodbuurCawaale Axmed Xirsi- Xarunta Degmada 26-JuunMaxamed Rashiid Cabdilaahi- Xafiiska Xarunta Axmed DhagaxMaxamed Cali Jaamac- Xarunta Degmada Gacan LibaaxIfraax Haybe Cigaal- Xarunta Waaxda Cashuuraha BarrigaHodan Cabdiraxmaan Axmed- Xafiiska Diiwaan Gelinta Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga

Intaasi markii ay soo baxday ayaa waxa qoraal ku daadafiyay Magacaabistaasi Maamulaha Cashuuraha Berriga Gobolka Maroodi Jeex waxaanu qoraal uu ku socodsiiyay Shaqaalihiisa ku yidhi sidan “Dhamaan Maamulayaasha Xafiisyadda Cashuuraha Berriga Gobolka Maroodi Jeex waxaan ku wargalinaynaa in Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berrigu leeyahay oo qudha soo jeedin ee aanu lahayn isku badel, waana dambi inuu awoodii Wasiirka uu sheegto Agaasime Waaxeed, Balse waxaan sugaynaa sida uu Wasiirku uga Go’aan qaato, Haddaba Waxaan mar labaad idinku wargalinayaa in isku badelkaasi aanay waxba ka jirin, waana wax aan sharciyad lahayn, shaqadeenu maaha Male awaal”.

Waxa kale oo uu ku sii yidhi qoraalkaasi oo uu Og-siiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Maaliyadda, sidan “Sidaa darteed waxaan burinaynaa waxan Isku badelka loogu yeedhay, Waxaana idinku adkaynaynaa inaad dakhli maalmeedkiinii ururisaan, Masuuliyiinta Wasaaradda ee Warqaddan ogaysiinta ku lehna waxaana la socodsiinnaynaa maalintii la soo badelay maalintii xigtay in agaasime waaxeedku uu badel ku sameeyay Khasnajiyiintii, maantana oo ay muddadiisii xil hayntu tahay afar cisho uu aargoosi qaawan ku kacay” ayaa qoraalka warqadaasi lagu yidhi.

Waxa sannadkii hore Wasaaradda Maaliyadda ka qarxay Khilaaf Caynkan oo kale ah kaasi oo aakhirkii sababay in dhamaan Masuuliyiintii ugu saraysay Wasaaradda laga caydhiyo.

 Foore

Advertisement

Ku Xayeysiiso