Tirada Ciidamada Maraykanka ee Naftooda dilaya oo sii kordhay!

Iyadoo dowladda Maraykanka ay ku jirto dagaal furan oo ka socda qeybo kala duwan oo katirsan caalamka, ayaa waxaa sii kordhaya ciidamada Ameerikaanka ee naftooda dilaya.

Warbixin cusub oo uu baahiyay telefeshinka CNN ayaa lagu sheegay in tirada ciidamada Maraykanka ee naftooda dilay sanadkii 2018-ka ay aad usii kordheen.

Tirada ugu badan ee ciidamada is dilaya waxay katirsan yihiin ciidamada sida gaarka u tababaran ee fuliya howlgallada gaarka ah, waxaana illaa iyo hadda saraakiisha Maraykanka ay ka gaabsanayaan iney sheegaan sababaha rasmiga ah ee keenaya in ciidamadu is dilaan.

22 Askari Ameericaan ah, oo intooda badan katirsan ciidamada gaarka ah ayaa la xaqiijiyay in sanadkii 2018-ka ay is dileen, duruufaha dagaallada iyo arimo gaar ah oo iyaga heysta awgeed.

 

Marka laga soo tago dagaallada waqtiga dheer qaatay ee ay ku jiraan ciidamada Maraykanka oo ah sababta koowaad ee keeneysa is dilka ciidamada, hadana waxaa jira sababo kale oo ay kamid tahay cunista mukhaadaraadka, cabsi la xidhiidha faqriga iyo arrimo kale.

Saraakiisha ciidamada Maraykanka ee la hadlay CNN ayaa sheegaya inay sii laba laabeen taageerada dhanka nafsiga ah ee la siinayo ciidamada, iyadoo ay sidaas tahayna ay aad u kordheen ciidamada naftooda dilaya.

“Ciidamada is dilaya kuma koobna oo keliya ciidamada gaarka ah, balse waxaa laga helayaa guutooyinka kala duwan ee ciidamada, tobankii sano ee lasoo dhaafay ciidamada Marenis-ka Maraykanka ee is dilay waxay tiradoodu gaartay 68 ruux” ayaa lagu yidhi warbixinta CNN.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso