Madaxweyne Biixi Oo Isbarbar Dhigay Wada Lahaanshaha Dawladnimo Ee Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya

Ma Sax Baa Asbaabaha Madaxweynuhu U Marag Gashaday Rayaale, Prof Buubaa, Prof Samatar, Xaglotoosiye, Cali Khaliif iyo Dr Cali Ciise?

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay khudbad uu ka jeediyay sanad guurada 25-aad ee Ciidanka Qaranka waxa uu ku sheegay in wada lahaanshaha dawladnimada Somaliland tahay mid sugan waxaanu tilmaamay in siyaasiyiin Somaliland ah oo xilal u doontay maamulka Puntland iyo Soomaaliya natiijada ay kala kulmeen muujisay in aan la wada lahayn dawladnimada.

Madaxweyne Biixi waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Md Farmaajo in uu ku hawlan yahay xuduud beelaysan in lagula dagaallamo Somaliland isaga oo aan waxba u ogolayn siyaasiyiinta Somaliland ee Soomaaliya taga “Waxa la yaab leh markii isaga (Farmaajo) la dooranayay waxa la tartamay oo raggii ugu cadcadda ee ugu aqoonta badna ahaa Axmed Ismaaciil Samatar markii uu doorashada la galayna waxa la yidhi ‘Orod dalkaagii tag oo ku noqo’ waxaanu ahaa ninka juhdiga ugu badan galiyay Soomaali weyn, Axmed Ismaaciil Samatar wuu inoo yimid oo wuu inooga warramay waxa yaalla. Waxa ka sii horeeyay Ismaaciil Hurre Buubaa oo toban sanno wasiirka khaarajiga u ahaa wuu inoo yimid oo wuu inooga warramay waxa meesha yaalla,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo intaasi ku daray in ay la yaab tahay dagaalka Farmaajo kula jiro Somaliland maaddaama uu sidaas loo galayo siyaasiyiinta u tagta.

Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu soo qaatay Dr Cali Ciise Cabdi oo ka mid ahaa aasaaseyaashii Khaatumo kana mid ah aqoon yahanka iyo waaya aragga Soomaalida ugu sareeya oo dhawaan doorashadii Puntland ka helay hal cod “ Waxa taas ka dambeysay doorashadii lagu galayay Garoowe waxa isu soo sharraxay ragga Soomaali ugu aqoonta weyn nin ka mid ah Somaliland-na aqoonteeda iyo hormuudkeeda ugu horeeya, nasiib darro haddii ay tahay xuduud beeleed baan samaysanaya dee waxay ahayd ninka Somaliland ka yimid ee Laascaanood ka yimid ee tartanka ka qayb galay in wax laga siiyo­_ labadaas ayaa noogu filan caqliyadda taalla Koonfur,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Wada Lahaanshaha Somaliland

Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu ka hadlay walaaca Somaliland ka taaggan baryahan ee ku saabsan wada lahaanshaha mansabka iyo adeegyada dawladnimada waxaanu yidhi “Somaliland oo lama wada laha dad badan imika kaga dhawaajiyaan Idaacadda oo aan wali arag wixii ku dhacay Cali Ciise, Cali Khaliif iyo Axmed Ismaaciil Samatar waxaan u sheegaya Somaliland waa la wada leeyahay makhraatigeeduna waa maxay ? Daahir Rayaale ayaa doorasho qof iyo cod ah kaga guulaystay Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii SNM oo lagu qaabilay oo 8 sanno ku xukumayay. Makhtaarigeeda Somaliland in la wada leeyahay waxa ah Xaglatoosiye ayaa la tartamay Saylici oo ku sigay oo uu dirqi kaga baxsaday in uu ka reebo, marka Somaliland waa mid la wada leeyahay oo nin walba dooddiisa ka dhiibto,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda in uu meel sare ka taaggan yahay walaaca dhinaca saami qaybsiga ah ee ka taaggan gudaha Somaliland oo ka sakaw beelaha darafyada ay markii u horaysay beesha dhexe kala cabanayso lana arko kala qaybsanaan siyaasadeed oo wax ka qabashadeeda looga fadhiyo madaxweynaha inkasta oo uu madaxweynuhu ka doorbido ka hadalka mushkiladaha maxalliga ah arrinta Soomaaliya.

Dhacdooyinka siyaasadeed ee madaxweyne Biixi u marag gashaday wada lahaanshaha Somaliland ayaa loo arki kara kuwo sababo kala duwan iyo marxalado kala duwan ahaa, islamarkaana aan waaqica xilligan ee Somaliland tusaale u noqon Karin. Tusaale ahaan xisbiyada Somaliland waxa dhammaan hoggaamiya beesha dhexe halka xilalka muhiimka ah ee xukumadda Sida Maaliyadda iyo Arrimaha gudaha ay isla beesha dhexe hayso.

Advertisement

Ku Xayeysiiso