Qasaali: Xujadii Islaamka

Qasaali: Xujadii Islaamka

“Si aad u hesho waxa aad jeceshahay waa in aad ku sabirtaa waxa aad neceb tahay”

Abu Xaamid Maxamed Ibnu Maxamed At-tusi Nisaabuuri, waa foollaaddadii aqoonyahanka diineed qarnigii shanaad ee Hijriga. Waxa uu ka mid yahay taariikhyahannadii ugu saameynta badnaa dunida Muslimka ka dib geeridii Nabi Maxamed.

Waxa loo tixgeliyaa in uu ahaa kacaani iyo cusboonaysiiye dhaqanka iyo caqiidada ah, taas oo uu guntiga dhiisha ugu xidhay sidii loo soo celin lahaa iimaanka bulshada Muslimka ah oo sii daciifayay. Arrintaana waxa loogu sharfay oo uu kula baxay naanaystii caanka noqotay ee “Xujadii Islaamka.”

Dhalashadiisii iyo Barbaariddiisii

Qasaali waxa uu sannadkii 1058kii ku dhashay magaalada Tus oo ka tirsan dalka Iiraan. Aabbihii wuxu ahaa xoogsade xalaal miirad ah. Sida oo kale waxa uu ahaa suufi talaxtag ah oo xaadirijiray goobaha xadrooyinka.

Taariikhyahannada dhexdooda waxa ka taagan muran ku salaysan isirnimadiisa. Taariikhyahannada qaarkood ayaa ku doodaya in uu Carab Beershiyaanoobay yahay, halka kuwa kale taagan yihiin in uu yahay Beershiyaan dhalad ah.

Aabbihii wuxu geeriyooday isaga oo yar, waxa soo barbaariyey walaalkii Axmed Qasaali. Waxa uu arday u noqday wadaaddadii ku noolaa magaalada Tus oo uu aqoonta diinta ka baranjiray. Safar waxbarasho wuxu u tagay magaalada Nisaabuur oo Ciraaq ku taalla si uu aqoon korodhsi uga helo.

Waxa kale oo uu tagay magaalada Baqdaad oo isla Ciraaq ah. Waxa uu galay waxbarashada tooska, waxa uu xoogga saaray fiqiga iyo usuulu-fiqiga. Kolkii uu waxbarashada dhammaystay isaga ayaa noqday macallin.

Qasaali iyo Suufinnimada

Qasaali waayihiisu waa qaar gedgeddoon badan, da’yari ayuu magaalooyin kala duwan ugu waxbarasho tagay, inta aanu soddonjir gaadhin ayuu caalim diineed noqday. Jaamacadda qadiimiga ah ee Nadaamiya oo ku tallaay dalka Ciraaq ayuu macallin ka noqday. Mushahar midka ugu badan ayaa la siiyey. Ardaydu duruusta jaamacadda waxa ay ugu jeclayeen casharradiisa. Waxa uu helay maamus qof la weyneeyo midda ugu sarraysa, magaciisuna wuxu ku baahay dunida Islaamka iyo aqoonyahanka gaaleed oo ogsonaaday heerkiisa aqooneed.

Walaalkii Axmed Qasaali oo daaci weyn ka ahaa magaalada Tus, ninkii soo koriyeyna ahaa ayaa Baqdaad ugu yimid isaga oo lagu xoonsanyahay, waxa uu la yaabay habdhaqankiisa oo aan soo jiidan, dabadeed gabay ayuu u tiriyey macnihiisu noqonayo, “Waxa aad tahay mid dadka hanuuniya, se aan isagu is hanuunin. Qof dadka wanaagga maqashiiya se aan isagu is maqashiin. Waxa aad la mid noqotay dhagaxa middiyaha soofeeya, si ay wax u gooyaan se aan isagu waxba goyn karin.”

Imaam Qasaali wuxuu garawsaday intii uu waxbaridda ku jiray in xidhiidhkii uu la lahaa Rabbi SWT uu yareeyey, taasi werwer nafeed ayey ku keentay. Wuxu go’aan ku gaadhay in uu u go’o cibaadada Alle. Baqdaad ayuu habeen badh ka guureeyey oo uu u amba   baxay dhulweynaha Shaam iyo in uu u tago xertii suufiyiinta ahaa ee Khaaniqa la odhanjiray. Qasaali isdhuldhigid iyo in aan la garan ayuu go’aansaday, xertana adeege ayuu u noqday.

Suufinnimada Qasaali waa asalraacii saldhiggeedu ahaa tarbiyeynta nafta, nadiifinta qalbiga, ku sugnaanta akhlaaqda wanaagsan iyo ka fogaanta xaaraanta. Intii aanu saldhigan suufinnimada waxa uu la daaladhacay aragtiyo uu marba mid foodda gelinayey se aanu ku xasilin.

Qasaali iyo Shaaficiyada

Maxamed Idiris Shaafici waa mid ka mid ah afarta imaam ee bud-dhigay fahanka diinta (fiqiga). Maddarasadda aragtiyeed ee Shaaficiyadu waxa ay noqotay mid daafaha dunida ku baahda. Meel kasta oo Muslim joogana la joogta. Shaafici mad’habtiisa fiqiga ah waxa la garab galay culimo dabadii noqday shamac ifiya mad’habkiisa.

Abu Xaamid Qasaali waa tiir ka mid ah tiirarka dhidibbada u taagay mad’habta fiqiga ah ee Shaaficiyada, waxa uu ka mid yahay aqoonyahanka ugu tunka weyn fuquhadooda. Waxa uu leeyahay dhiganayaal badan oo ay ka mid yihiin Al-wasiid, Al-basiid iyo Al-wajiis oo ka mid ah kutubta maraajicda u ah mad’habta Shaaficiyada.

 

Ashcari, Salafi

Qarnigii labaad ee tirsiga Hijriga waxa dunida Muslinka ka aloosmay muran ku aaddan fasirka sifaadka Alle SWT, wadaaddadii xilligaa joogay waxa ay isku maandhaafeen fasirka arrintaas. Aasaasaha mad’habta fiqigaa ee Xanafiyada Abu Xaniifa waxa uu ka mid yahay raggii ugu horreeyey ee aayadaha iyo axaadiista ka warrama sifaadka Alle dhan iska taagay.

Abu Xaniifa waxa ka farcamay xagga aaminaadda sifaadka (caqiidada) maddarasadda loo garan ogyahay Salafiyada oo sugaysa sifaadka Alle SWT, hadday tahay; awooddiisa, araggiisa, maqalkiisa, hadalkiisa iyo xujooyinka Quraan iyo xadiis leh ee ka warramaya fasirka xubnaha Alle SWT, hadday tahay waji, gacmo, indho iyo ku sugnaanshaha carshiga. Sugistaa waxa u raacda in ay aamiinsan yihiin in sifooyinkaa ay Alle SWT, u sugeen in aan lagu samayn karin u eekayn (tashbiih) iyo leexin (ta’wiil). Tusaale ahaan kolka laga hadlayo waji in aan qofku sawiran karin in wajiga Alle SWT, uu u eeg yahay ka aadanaha oo kale.

Qarnigii Afraad ee tirsiga Hijriga Abu Xasan Al-ashcari waxa uu u dhawaaday aragtida Abu Xaniifa ee ku saabsan fasirka sifaadka. Abu Xaniifa waxa dagaal xooggan kala dhexeeyey oo dhanka fasirka ku saabsan kooxaha Muctasilada, Jahmiyada, Mushabbihiinta. Tusaale ahaan Muctasiladu sifaadka Rabbi waa ay dafiraan sida araggiisa oo kale. Hab xeeladaysan ayeyna u dafiraan iyaga oo kuu muujinaya in aanay diiddanayn ayaa ay haddana leeyihiin; waxa aanu diiddanahay in la kala qaado Alle iyo sifooyinkiisa, aragga Alle waa isla isaga ee maaha wax ku lammaan. Waa falsafad majara habaabin ah oo diidmada ay diidan yihiin falsafadaynaysa oo aan muujinayn haddana diidmo. Kooxda kale ee  Mushabbihiinta oo uu fikirkooda lahaa Waasil ibnu Caddaa, aamiinsanaana in sifaadka Ilaahay iyo addoomihiisu isku mid yihiin oo wax ay ku kala duwan yihiin aannu jirin.

Abu Xasan Al-ashcari waxa uu ku waafaqay Abu Xaniifa iyo maddarasaddiisa sifooyinka Alle ee ku aaddan awooddiisa, araggiisa, maqalkiisa iyo hadalkiisa, waxa uu aaminsan yahay in isaga loo sugo oo aan eekaysiin (Tashbiih) iyo leexin (Ta’wiil) midna lagu samayn. Hase ahaatee waxa ay isku maandhaafeen fasirka wajiga, gacmaha, indhaha iyo ku sugnaanshaha carshiga in Alle SWT, loo sugo.

Ashaacaridu waxa ay qabaan in kolka la jooga sifaadka maqalka iyo aragga Alle uu fasirka leexintu (ta’wiil) bannaan yahay oo marka maqal laga hadlayo la odhan karo awooddiisa. Marka laga hadlayo in uu habeenkii samada adduunyada yimaaddana la odhan karo amarkiisa ayaa yimaadda. Khilaafka labada maddarasoodna xaggaa ayuu ka bilaabmay.

Qasaali waxa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay ragga horumariyey aragtida Ashcariyada. Qasaali, Baqlaani iyo Junayni waxa loo aqoonsanyey aasasayaasha maddarasadda Ashaacirada kolka laga yimaaddo Abu Xasan Al-ashcari. Intii ugu badnayd noloshiisa mabda’a Ashcariyada ayuu faafinteeda, difaaciddeeda iyo horumarinteeda ku foogganaa.

Qaradaawi waxa uu ku soo guuriya kitaabkiisa “Al-fusuul fil Caqiidah Bayna Salaf Wal Khalaf” in Qasaali gebegabadii noloshiisa uu qoray kitaabka la yidhaa “Iljaam Al-cawaam can Cilm Kalaam” kitaabkaasna uu kaga noqday fikirkiisii ku saabsanaa fasirka sifaadka Alle SWT. Waxa layaab leh oo kitaabkaa ku jira, marka uu ka hadlayo maddarasadda Salafiyada in uu odhanayo, “xaqa kiisa cad waxa uu la jiraa mad’habka salafiyada; waxa aan u jeeda mad’habtii Saxaabada iyo Taabiciinta.”

Qasaali waxa uga horreeyey ka noqoshada in la leexiyo (ta’wiil) fasirka sifaadka Alle Abu Xasan Al-ashcari. Kitaabkiisa “Al-Ibaana” waxa uu si cad u sheegaya in aan la leexin karin sugnaanshaha Alle SWT, ee Carshiga. Waxa uu qiraya in Alle loo sugo, waji, arag iyo gacmo oo uu markiisi hore uu aaminsanaa in la leexin (ta’wiil) karo. Waxa uu si cad u odhanayaa, “Hadalka Alle (Quraanku) maaha mid la abuuray.” Waxa uu bannaanka iska mariyey qolyihii Jahmiyada. Isaga oo si toos ah buuggiisa “Al-Ibaana” ugu duraya kooxdii uu mar soo maray ee Muctasilada iyo kooxaha uu sida cad u sheegayo in ay leexsameen sida; Jahmiyada, Qaddariyada, Xaruuriyada, Raafidada iyo Murji’ada.

 

La soco qaybta labaad

Advertisement

Ku Xayeysiiso