Wadaniyadu Waa Waadiga Wada noolaanshaha.  W/Q: Abdrashid Aw Muuse Aadan


Waxaan sikooban udulmarayaa Wadaniyada iyo sida ay muhiim utahay inaynu fahamno, kama hadlayo Muxuu muwaadinku xaq uleeyahay ama xaq loogu leeyahay ee waxan ujeedaa sidee ayaynu u fahamsanay . 

Wadaniyadu waa wax la kowsatay aadmaha oo cid walba meel ayuu alle kaga abuuray kowkan, sidaana dalal iyo deegaamo ku noqdeen dereenka wadaniyadayadu waa wax marba marka ka dambaysa lagu sii baraarugayay Aduunyaduna lagu kala hormarayay.

taariikhda dhaw iyo Qarniga 21 naad waxaa la isku raacsanyay cidii aan wadaniyada ama dareen wadan jacayl ah lahayni aanay Aduunka qiimo ku lahayn ama aanay jiraynin ,Umada reer Somaliland ama umada afka Somaliga ku hadashaa wadaniyadu way ku yaratahay ama se maba fahamsana , waxaa jirtay xoogaa wadaniyada oo laab la kac ah oo qasaba oo hana qaaday xiligii dalawladii Siyaad Barre laakiin se may barbaarin.

Dadkeenu waxay aad uga wadaniyad fiicnaayeen Xiligii Gumaystaha marka loo eego maanta.

Umada reer Somaliland waxay ubaahnayay hogaamiya yaal Waddaniyad togan leh oo raaca khariirad lagu Abqaali karo si qofka da,da yar loogu Barbaariyo Wadan jacaylka iyo Inuu fahmo Qiimaha wadankaaga iyo bi adaadu maxay tahay.

Ogow in wadaniyadu ka mug iyo mmiisaanba badantay inaad cashuur bixiso, inaad U halganto, iyo xataa inaad udhimato dalka adigoon fahmin wadaniayda.

Waxaa lagama maarmaana in Goobaha wax barashada , schoolkaadka iyo jamacadahaba laga aasaaso Waadiga wadniyada lagu Barayo dhalinta iyo jiilasha dhaxli doona wadankan.
Waa fikirkayga gaaban.

W/Q: Abdrashid Awmuse Aadan. (Rashaad055@hotmail.com )

Advertisement

Ku Xayeysiiso