War-saxaafadeed: Xasiloonida Gobolka Ayuu Waxyeelayaa Hubka Lagu soo Daabulayo Somaliya Xarunta Center for Policy Analysis


Xarunta CPA oo si dhow ula socotay isbedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika iyo weliba xaaladda gudaha Somalia sannadahan ugu dambeeyey ayaa diiwaangelisay, tallaabooyin badan oo walaac gaara xambaarsan.

Warsaxaafadeedkan oo dhamaystiran xaga hoose ka eeg. 

January 20, 2019
XASILOONIDA GOBOLKA AYUU WAXYEELAYAA HUBKA LAGU SOO DAABULAYO SOMALIA
Saraakiil Milateri oo ka socda dawladda Qadar ayaa 17/09/2019, ku wareejiyey dawladda Somalia saanad ciidan oo ay ku jiraan illaa 68 gaadhi oo kuwa ciidamada ah, waxaana qalabkan ciidan si toosa loogu wareejiyey Taliyaha Ciidamada Milateriga ee Somalia S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe), isaga oo kala wareegay General, Maxamuud Al Qasaal oo ka socday dawladda Qadar, sida ay baahisay wakaaladda Wararka Somalia ee SONNA.
Xarunta CPA oo si dhow ula socotay isbedelada ka socda gobolka Geeska Afrika iyo weliba xaaladda gudaha Somalia sannadahan ugu dambeeyey ayaa diiwaangelisay, tallaabooyin badan oo walaac gaara xambaarsan oo ay ka mid tahay:
1. In marar kala duwan ay dawladda Somalia awood ciidan u isticmaashay inay ku meelmariso doonistooda siyaasiga ah, sida weerarkii loo geystay Cabdiraxmaan Cabdirashakuur oo ah siyaasi ka aragti duwan xukuumadda Federaalka halkaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ahi ka dhashay hawlgalkaas, habkii loo maamulay doorashada Koonfur Galbeed iyo khasaarihii ka dhashay, oo markii dambe keenay in dalka laga saaro Ergaygii Qaramada Midoobay ee Somalia u joogay ka dib markii qoraal kaga dalbaday xukuumadda wixii ka dhacay Baydhabo 13-17/12/2018, Awooddii ciidan ee lagu hor istaagay isla markaana xayiraadda lagu saaray Guddoomiyaha haatan ee Baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii uu qabtay mooshin laga keenay Madaxweynaha, inkasta oo xoghayaha golaha shacabku uu ku dooday in lagu been abuurtay xildhibaano ku jiray liiska 92 mudane ee mooshinka gudbiyey, iyo dhacdooyin kale. Dhammaantood arrimahaasi waxay muujinayaan in dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka go’an tahay inay awood ciidan ku xalliso dhinacyada ay iskaga soo horjeestaan aragtida Siyaasiga ah, iyada oo ay tahay inay xal kale oo aan awood ahayn ku xalliso cidda ay u aragto inay dhaawacayso qorsheheeda hoggaaminta.
2. Waxaa marag ma doon ah, in khilaafweyni uu ka dhex aloosan yahay dawladda Federaalka iyo maamul gobolleedada qaybta ka ah hannaanka federaalka ee Soomaaliya, Inkasta oo madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qaybgalay caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu sheegay inuu hagaajinayo xidhiidhka dawlad goboleedada.
3. Iyada oo aanu ilaa haatan hirgelin isku dhafka ciidamada, inkasta oo ay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay gucle ugu jirto inay hirgeliso, haddana weli waxaa muuqda inaanay ku heshiinin maamul goboleedada iyo dawladda dhexe, hirgelinta ciidan isku dhafan oo ay qayb ka wada yihiin dhammaan maamul goboleedada ku jira nidaamka federaalka ee Somalia, waxaana marar kala duwan dhacday in maamul goboleedadu ay hor istaagaan saraakiil ciidan oo ay soo magcawday dawladda federaalka ah, isla markaana ay dib u celiyeen.
4. Iyada oo ay marar kala duwan soo baxeen, in hub iyo direys ciidan oo ay leedahay dawladda Federaalku inay u gacan galeen ururka Alshabaab iyo dhinacyo kale. Waxaana taasi ay calaamad su’aal gelinaysaa kalsoonida lagu qabi karo in hubkaasi aanu gacanta u gelin cid aan ahayn ciidamada lagu wareejiyey.
Geeska Afrika wuxuu ka mid yahay meelaha uu yaallo hubka ugu badan dunidu, sidaas awgeed, nabadda gobolka waxba ku soo kordhin mayso hub cusub oo la keeno, sidoo kalena hub cusub iyo awood ciidan uma muuqato inay tahay xalka keliya ee lagu soo afjari karo xiisadaha ka jira Somalia, waxaana markhaati ka ah, wakhtiga dheer ee ay ku sugnaayeen ciidamada kala duwan ee ka socda Midawga Afrika oo aan illaa haatan xal kama dambaysa ka gaadhin hadafkii loo geeyey Somalia.
Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee CPA waxay ugu baaqaysaa dawladda Qadar iyo dalalka kaleba
1. Inay ixtiraamaan go’aanka qaramada midoobay ee cunaqabataynta hubka lagu saaray Somalia, taas oo nuxurka ugu weyni ahaa in la xakameeyo hubka ku soo qulqulaya Somalia si aanu waxyeello ugu geysan xasiloonida gudaha ee Somalia.
2. In hubka ay geynayaan Soomaaliya inaanu noqon mid sii hurin kara colaado, maadaama aanu jirin ciidan isku dhaf ah oo ay heshiis ku yihiin maamullada ka dhisan Somalia, taas bedelkeeda ay tahay in laga shaqeeyo sidii seeska loogu dhigi lahaa in la helo ciidan isku dhafan oo ay qayb ka yihiin dhamaan maamulada qaybta ka ah hannaanka federaalka ee Somalia.
3. Inaanu abuurin tartan dhinaca deeqda hubka ah oo dhex mara dalalka danaha siyaasadeed ka leh Soomaaliya, taas oo keeni karta in dal waliba uu hub siiyo maamulka ay isku fiican yihiin.
Beesha Caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo dalalka kale ee danaha ka leh xasiloonida gobolka Geeska Afrika waxaan ugu baaqaynaa inay xakameeyaan hubka lagu soo daabulayo Somalia, isla markaana in la hubiyo inaan hubkaasi qayb ka noqon colaado horleh iyo xasilooni darro ka dhacda gudaha Somaaliya, ama in dawladda Federaalka Soomaaliya hubkaas u adeegsato dhinacyada ka soo horjeeda.
Sannadkii 2013 ayaa la khafiifiyey cunaqabataynta hubka ee saarnayd Somalia, sida lagu sheegay warbixintii guddida cunaqabataynta hubka ee Somalia ee sannadkii 2018, waxaa Somalia soo galay hub ka badan 20,000 iyo in ka badan 75 Milyan oo rasaasa oo ay ku jiraan 70,000 RPG-7 ah, hase ahaatee hubkaasi marna waxba kama tarin xasiloonida Somalia, sidaas awgeed marna xal kuma jiro in hub lagu deeqo, waxaase xalku ku jiraa in marka hore la yagleelo ciidan isku dhaf ah oo ay heshiis ku yihiin dhammaan xooggaga ka jira Somalia.
Xarunta CPA marwalba waxay soo dhoweynaysaa horumarka ay samaysay dawladda haatan ka dhisan Somalia, oo hawlo badan qabatay, sidoo kalena waan soo dhoweynaynaa in la helo ciidan awood u yeesha sugidda ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya, hase ahaatee waxaa mudan in marka hore la dhamaystiro qorshaha isku dhafka ciidamada, lana soo saaro siyaasad dammaanad qaadaysa inaan ciidamada isku dhafka ah aan loo isticmaalin wax ka baxsan hadafka loo aasaasay.

Kala xidhiidh CPA:
Address: Red Sea village, I/K district, Hargeisa, Somaliland.
Email: centerforpolicy.ed@gmail.com ama www.centerforpolicy.net

Advertisement

Ku Xayeysiiso