War Deg deg ah: Xarunta Golaha Guurtidu oo 7 Xildhibaan laga Horjoogsaday Saaka in ay Galaan!!!

Fadhiga Saaka ay golaha Guurtidu u Balansan tahay ee Muddo Kordhinta Wakiilada ayaa laga horjoogsaday todoba xildhibaan in ay galaan.

Sababta looga horjoogsaday Fadhiga Xildhibaanadan ayaa loo malaynayaa in ay ka soo horjeedaan muddo kordhinta Wakiilada.

Xildhibaanadan ayaa kala ah.
Xildhibaan Dheeg , Xildhibaan Cabdicasiis Booshcade, Xildhibaan Axmed Shide, Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan, Xildhibaan Axmed Dirir, Xildhibaan Xirsi iyo Xildhibaan Axmed Gacan.

Xildhibaanadan In ay galaan Golaha laga horjoogsaday ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii loo Saaray ka talo bixinta muddo kordhinta Wakiilada .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso